HomeWararMas’uuliyiin iyo Maalgeliyayaal u dhashay dalka Masar oo ku soo fool leh...

Mas’uuliyiin iyo Maalgeliyayaal u dhashay dalka Masar oo ku soo fool leh Muqdisho

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiirka Beeraha ee dalka Msaar. Dr. Saalax Hilaal iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay bishan 13-da booqasho hawleed ku yimaadaan magaalladda Muqdisho.

Wasiirka ayaa la filayaa inuu muddo saddex maalmood joogi doono magalladda Muqdisho, isagoo kulamo la qaadanaya Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federalka Somalia iyo Ganacsatadda Soomaaliyeed.

Wargeyska Yoom Sabca ee ka soo baxa magaalladda Qaahira ayaa qoray inuu Wasiirka Beeraha Masar la saxiixan doono Madaxda Somalia Borotokoolka Afaraad ee Heshiisyo lagu horumarinayo Iskaashiga Labada Waddan.

Waxaa heshiiskaasi ka mid ah Iskaashiga maalgashiga dhinacyada Kalluumeysiga, Beeraha iyo sidii Wershaddo Fudud looga dhisi lahaa dalka Somalia

Wargeyska waxa kaloo uu qoray inay Masar ka dhisi doonto magaalladda Muqdisho Wershad lagu farsameeyo Maraakiibta lagu kalluumeysto, si ay u fududaato in laga faa’ideysto Kheyraadka Badda ee Somalia.

Dabayaaqadii bishii hore, Dowladaha Somalia iyo Masar waxay magaalladda Qaahira ku kala saxiixdeen Borotookol Iskaashiga dhinacyadda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Somalia  iyo in laga wada faa’ideysto dhul-beereed cabirkiisu dhan yahay 9 million oo hektar.

Horey ayey Dowladda Masar u ballan-qaaday inay Wershad soo saarta Daawooyinka ka hirgelin doonto magaalladda Muqdisho.

http://www.youm7.com/

 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories