HomeWararMadaxweynaha oo mar kale ku boorriyey xukuumadda inay ka shaqeyso xalinta tabashooyinkii...

Madaxweynaha oo mar kale ku boorriyey xukuumadda inay ka shaqeyso xalinta tabashooyinkii ka dhashey dhismaha baarlamanka maamulka Jubba

Date:

Related stories

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqey guddigii dhowaan xukuumadda u magacawdey xalinta tabashooyinkii ka dhashey dhismaha baarlamanka maamulka KMG ee Jubba inay dardar geliyaan hawshooda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in isaga iyo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cumar Sharma’arke ay horey maamulka Jubba uga wadahadleen xalinta tabashooyinka jira, la iskuna afgartey dhismaha guddi heer wasiirro ah, si ay u guda galaan qaabka ugu wanaagsan ee beelaha wada dega Jubbooyinka loo qancin lahaa.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya oo ah dal ka soo kabanayaa colaado sokeeye, looga baahan yahay shacabkeeda inay la yimaadaan isku tanaasul iyo wadahadal si loo unko mustaqbal cusub oo ka duwan kii hore.

“Aniga iyo mas’uuliyiinka kale ee dowladda iyo baarlamanka waxaan isku aragti ka nahay dardar gelinta hawlaha dib u heshiisiinta iyo fulinta barnaamijyada la xiriira Hiigsiga 2016. Dhismaha maamullada waa qeyb muhiim ah oo ka mid ah dib u soo kabashada dalkeena, caqabad walba oo la soo gudboonaatana waxaa naga go’an in wadahadal lagu dhammeeyo, isla markana dib u heshiisiintu ay sal u noqoto mustaqbalka soo socda ee Soomaaliya’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

DHAMMAAD

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so

IB0A2083

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories