HomeWararBandhig faneed lagu noolaynayo dhaqanka iyo fanka oo ka dhacay Jowhar

Bandhig faneed lagu noolaynayo dhaqanka iyo fanka oo ka dhacay Jowhar

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Barnaamijka noolaynta dhaqanka fanka ee Soomaalida ayaa toddobaadkan lagu qabtay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe, halkaasoo lagu soo bandjigay ciyaaro dhaqameed degaankasi ku caan ah.

Bandhig faneedkan noolaynta iyo dhaqanka qayb ka ah o ay daawashadiisa ka soo qayb galeen dad lagu qiyaasay illamaa 450 qof oo dumar u badan ayaa daawashada bandhiggaasi ay qaadatay in ka badan 2 saac iyo badh.

Masuuliyiin ka kala socday maamulka gobolka Sh/dhexe, iyo waxgaradka degaanka ayaa mahadiyay tallaabadan looga gol leeyahay noolaynta dhaqanka iyo fanka Soomaalida, taasoo muddo saddex bilood ah loogu talo galay inay ka kala socoto, degaanno ka mid ah gobollada Sh/dhexe, Sh/hoose, iyo Banaadir.

Xassan Barrow Boocow, oo ahaa ku simaha guddoomiyaha degmada Jowhar ayaa dhacdadan uga mahadceliyay wasaaradda warfaafinta doorkeeda noolaynta dhaqanka iyo fanka, waxa sidoo kale uu u mahadceliyay dhammaan dhinacyada kale ee gacanta ka gaystay qabsoomidda dhacdadan lagu noolaynayay dhaqanka iyo fanka.

Sidoo kale waxaa madashaas ka hadlay madaxa isboortiga ee gobolka Sh/dhexe, Cali Hilowle Cabdi “Dhacdooyinka naadirka ah ee noocan ah waxay dib u soo noolaynayaan dhaqankii iyo fankii, waxayna ka mid tahay dib u heshiisiinta iyo nabadda” ayuu yidhi Cali Hilowle Cabdi.

Ciyaaraha madashaas lagu soo bandhigay oo ay ka mid ahaayeen Shirib, Wilisiqo, Beerrey, Kabeebey, Buraanbur, iyo Waalo, ayaa daawashadoodu ay soo jiidatay dadkii ka soo qayb galay, kuwaas oo codsanayay in wakhtiga bandhigga fankaasi saacado dheeraad ah lagu daro.

Barnamijka noolaynta dhaqanka iyo fanka Soomaalida oo ay gacan mug leh ka gaysato wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya ayaa qaybo badan oo ka mid ah ay ka dheceen, degmooyinka Boondheere, iyo C/casiis ee gobolka Banaadir, iyo Afgooye, oo ka tirsan Sh/hoose, halkan bandhiggan ugu dambeeyeyna uu ka dhacay degmada Jowhar ee xarunta Sh/dhexe.

Degaanno kale oo hor leh ayaa lagu wadaa in bandhiyo noocan oo kale ah ay ka dhacaan.

DSC03647 DSC03648 DSC03654 DSC03655 DSC03691 DSC03692

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories