HomeWararNin Somali Maraykanka oo weli gacanta ugu jira Xuutiyiinta Yemen

Nin Somali Maraykanka oo weli gacanta ugu jira Xuutiyiinta Yemen

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Afhayeenka Waaxda Arrimaha dibedda ee dalka Maraykanka, Marie Elizabeth Harf  ayaa sheegtay inay Dagaalamayaasha Xuutiyiinta Yemen weli ay gacanta ku hayaan Nin Somali Maraykan iyo labo Yemeni-Maraykan ah. Wxaay intaasi ku dartay inay socdaan dadaalo lagu doonayo in lagu sii daayo dadkaasi haysta Dhalashadda Maraykanka. Dowladda Oman ayaa la sheegay inay kaalin ka qaadatay Dhexdhexaadin ay […]

- Advertisement -

Afhayeenka Waaxda Arrimaha dibedda ee dalka Maraykanka, Marie Elizabeth Harf  ayaa sheegtay inay Dagaalamayaasha Xuutiyiinta Yemen weli ay gacanta ku hayaan Nin Somali Maraykan iyo labo Yemeni-Maraykan ah.

Wxaay intaasi ku dartay inay socdaan dadaalo lagu doonayo in lagu sii daayo dadkaasi haysta Dhalashadda Maraykanka.

- Advertisement -

Dowladda Oman ayaa la sheegay inay kaalin ka qaadatay Dhexdhexaadin ay Dagaalamayaasha Xuutiyiinta isbuucii hore ku sii daayeen Labo nin oo Maraykan ah.

Ma cadda sababaha rasmiga ee ay Dagaalamayaasha Xuutiyiinta u qabsadeen dadka haysta dhalashadda Maraykanka, laakiinse, waxaa la tuhunsan yahay inay Dagaalamayaasha doonayaan inay ku gorgortamaan Shisheeyaha ay ku qabtaan gudaha dalka Yemen.

Dagaalamaayasha Xuutiyiinta  iyo Ciiddankii Gaarka ee Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Ali Abdalla Salah ayaa noqday Isbahaysi dagaal la gala Isbahaysiga ay Dowladda Sacuudiga hoggaaminayso.

- Advertisement -

Dagaalamayaasha waxay shalay Gantaalka ridada dhexe ee Iskaad ku tureen Degmadda Khamiis Mushayt  ee dalka Scauudiga, iyadoo uu Gantaal-burburiyaha Patriotic missile  uu dhulka soo dhigay Gantaalka ay Xuutiyiinta soo ganeen.

 

 © Warqabadka Dalsan Radio

Latest stories