HomeWararMadaxweynaha oo la kulmey Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha oo la kulmey Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Imaaraadka Carabta

Date:

Related stories

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Somalia Faces 40% Drop in Imports and Rising Inflation, Cabinet Responds

Somalia’s federal cabinet today approved new security regulations and...

Soomaaliya iyo Burkina Faso oo iska kaashanaya amniga

Fartaag oo Burkina Faso kula wadatay argagixisada Ouagadougou, – Wasiirka Amniga...

Somalia’s Office of Attorney General Presses Charges on Saadiya Bajaj

The Office of the Attorney General of Somalia announced...

Deni oo tababar hubka culus u furay dagaalka Argagixisada

Puntland: Madaxweyne Deni oo tababar hubka culus iyo hoggaaminta u furay duufacdii 6-aad ee PMPF. “Waxaan kalsooni qabaa in ay difaaci doonaan dadka.” Akhri maqaalka

 

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabiley Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Isutagga Imaaraadka Carabta Sheikh Abdullah bin Zayed bin Sultan Al Nahyan iyo wafdi uu horkacayo oo maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa dowladda Imaaraadka Carabta uga mahadceliyey doorka wax ku oolka ah ee ay ka qaadaneyso dib u dhiska Soomaaliya.

“Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda waxaa ku weyn, abaal weyna ay idin kaga hayaan, mashaariicda qiimaha leh ee dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ka fulinayso waddankan, waxayna taasi dhiirigelineysaa dadaalka ku aaddan dib u soo kabashada Soomaaliya ee dhinacyada nabadgelyada, siyaasadda iyo dhaqaalaha”, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in taageerada waqtigan ay hesho ka sokow, ay Soomaaliya u baahan tahay in lagala kaashado dhinacyada maalgashiga, dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, hirgelinta xarumo ay dhalinyarada ka bartaan mihnadaha kala duwan iyo barnaamijyada shaqo abuurista.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Isutagga Imaaraadka Carabta, Sheikh Abdullah bin Zayed bin Sultan Al Nahyan, ayaa dhankiisa ka mahadceliyey sidii wanaagsaneyn ee loogu soo dhoweeyay Soomaaliya iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal.

Waxaa uu sheegay in dalkiisu sii wadi doono taageerada dhinacyada kala duwan ee uu siiyo Soomaaliya, isla markaana dowladdiisu dooneyso in waddamada Khaliijka ay door ka ballaaran midka hadda jira ay ka cayaaraan dib u dhiska Soomaaliya.

Kulankaasi kadib ayaa waxaa qabsoomey shir kale oo laba geesood ah oo ay yeesheen labada dal. Dhanka Soomaaliya waxaa kulankaasi horkacayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyeen wasiirrada Arrimaha Dibedda, Caafimaadka, Maaliyadda, Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Waxbarashada, Amniga, Taliyaha Booliska iyo xubno kale, iyadoo dhanka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibedda Sheikh Abdullah bin Zayed bin Sultan Al Nahyan , Reem Al Hashimy oo ah Wasiiru Dowle ka tirsan xukuumadda Imaaraadka, Danjiraha Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mohamed Al Othman iyo xubno kale.

Kulankaasi ayaa labada dhinac ay isku dhaafsadeen arrimo la xiriira xoojinta xiriirka labada dal, dhinacyada ay iska kaashan karaan iyo arrimo kale. Waxaa kale oo halkaasi lagu kala saxiixdey heshiis adeegga duulimaadyada rayidka la xiriira oo labada dowladood ay wada galeen.

DHAMMAAD

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories