HomeWararCiiddanka Badda ee Britain oo maanta soo badbaadiyey Tahriibayaal ay Somalia ku...

Ciiddanka Badda ee Britain oo maanta soo badbaadiyey Tahriibayaal ay Somalia ku jiraan

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Hadal ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalka Britain ayaa lagu sheegay in Markabka Dagaalka ee HMS Bulwark uu waarberigii hore ee saakayo uu soo badbaadiyey ugu yaraan 500 oo Tahriibayaal la socotay afar dooni, kuwaasi oo soo dirsaday Qeylo-dhaan loogu soo gurmanayo. Diyaaradaha Helikoptarada ayaa soo sahmiyey Tahriibayaashaasi oo ku xayirnaa Badda Mediterranean Sea. […]

- Advertisement -

Hadal ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalka Britain ayaa lagu sheegay in Markabka Dagaalka ee HMS Bulwark uu waarberigii hore ee saakayo uu soo badbaadiyey ugu yaraan 500 oo Tahriibayaal la socotay afar dooni, kuwaasi oo soo dirsaday Qeylo-dhaan loogu soo gurmanayo.

Diyaaradaha Helikoptarada ayaa soo sahmiyey Tahriibayaashaasi oo ku xayirnaa Badda Mediterranean Sea.

- Advertisement -

Tahriibayaasha waxay ka soo shiraacdeen Xeebaha dalka Libya, iyagoo ku soo fool lahaa Jesiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga.

Dhinaca kale, Ciiddanka Difaaca ee dalka Ireland ayaa sheegay inay shalay soo badbaadiyeen Tahriibayaal ku sugnaa Badda Mediterranean Sea.

Markabka Dagaalka ee Ciiddanka Badda Ireland ee lagu magacaabo Le Eithne ayaa ku guuleystay inay soo badbaadiyaan 113 Tahriibayaal la socday dooni yar.

- Advertisement -

Dadka la badbaadiyey waxaa ku jiray ilmo maalmo ka hor dhashay.

Maraakiibta dagaalka ee Dowladaha xubnaha ka ah Midowga Europe ayaa iyagana ka qeyb qaatay gurmadka lagu soo badbaadinayey Tahriibayaal la socotay 14 dooni, kuwaasi oo ka soo shiraacday xeebaha dalka Libya.

© Warqabadka Dalsan Radio

Latest stories