HomeWarar“Waxaan ahaa Madaxweyne muddo 4 daqiiqo oo keliya”

“Waxaan ahaa Madaxweyne muddo 4 daqiiqo oo keliya”

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Arday lagu magacaabo Emmanuel Makomere oo dhigtay Dugsiga Chavakali Boy Hogh School ee dalka Kenya ayaa nasiib u yeeshay inuu ka mid noqdo dad lagu casuumay Aqalka Dowladda ee uu Madaxweyne Uhuru Kenyatta Xafiiska u ah. Ardayga oo 19-jir ah ayaa uu ka mid ahaa arday uu Madaxweyne Uhuru u ballan qaaday waxa ballan qaad […]

- Advertisement -

Arday lagu magacaabo Emmanuel Makomere oo dhigtay Dugsiga Chavakali Boy Hogh School ee dalka Kenya ayaa nasiib u yeeshay inuu ka mid noqdo dad lagu casuumay Aqalka Dowladda ee uu Madaxweyne Uhuru Kenyatta Xafiiska u ah.

Ardayga oo 19-jir ah ayaa uu ka mid ahaa arday uu Madaxweyne Uhuru u ballan qaaday waxa ballan qaad  bishii February ee la soo dhaafay inuu ku casuumi doono Aqalka Cad.

- Advertisement -

Emmanuel Makomere waxa uu u sheegay Ardayda saaxiibadiisa inuu ku farxay markii uu tegay Aqalka Dowladda, isla markaana uu Madaxweynuhu ku casuumay inuu fariisto Kursigiisa.

“Waxaan Madaxweyne ahaa muddo 4 daqiiqo oo keliya” ayuu yiri Ardaygaasi oo saaxiibadiisa uga sheekeeyey qaabkii ay u dhacday casuumaadii loo fidiyey.

Waxa uu sheegay inuusan marnaba ku fekerin inuu cagta saarin Aqalka Dowladda, loona oggolaan doono inuu Kursiga Madaxweynaha ku fariisto amaba uu Madaxweynuhu taabto garabaatigiisa (tie).

- Advertisement -

“Waxaan taagnaa gadaal, markii uu mid ka mid ah ilaaladda Madaxweynaha uu gacanta iga qabtay, iina oggolaaday inaan Madaxweynaha u tago” ayuu yiri Emmanuel Makomere oo intaasi ku daray “Inuu is-taagay ayuu ii xiray Garabaatiga, kadibna iga codsaday inaan ku fariisto Kursigiisa”.

Waxa uu intaasi ku daray: “Hal daqiiqo, waxaan u maleegaa inaan riyoonayo” ayuu sii raaciyey Emmanuel Makomere.

Mar wax laga weydiiyey waxa uu u sheegay Madaxweyne Uhuru Kenyatta waxa uu yiri:- “Waxaad nagu casuuntay gurigaaga, hadda, waxaan kuugu casuumaa Dugsiga Chavakali Boys School. Ma inoo imaan doontaa”.

Emmanuel Makomere waxa uu diiday inuu dadka salaamo muddo 48 saacadood, kadib, markii uu ka soo laabtay qaabilaadda Madaxweyne Uhuru Kenyatta

Casiimaada Emmanuel Makomere iyo Fannaaniin kale lagu casuumay Aqalka Madaxweyne Uhuru Kenyatta waxaa la sheegay in qado ahaan u cuneen soor (Ugaali iyo Digaag).

Latest stories