HomeWararRag lala xiriirinayo Alshabaab oo lagu qabtay Deegaanka Yumbis

Rag lala xiriirinayo Alshabaab oo lagu qabtay Deegaanka Yumbis

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Madaxa Ammaanka ee Gobalka Garissa, Mohamoud Salah ayaa maanta u sheegay Suxufiyiinta inay Saraakiisha Ammaanka hawlgal ka fuliyeen Deegaanka Yumbis ee Garissa, isla markaana lagu soo qabtay saddex qof oo lala xiriirinayo Alshabaab iyo dhowr qoryaha fudud. Mohamoud Salah waxa uu sheegay in lagu guuleystay hawlgalkaasi, isagoo xusay in ragga la qabtay la rumeysan yahay […]

- Advertisement -

Madaxa Ammaanka ee Gobalka Garissa, Mohamoud Salah ayaa maanta u sheegay Suxufiyiinta inay Saraakiisha Ammaanka hawlgal ka fuliyeen Deegaanka Yumbis ee Garissa, isla markaana lagu soo qabtay saddex qof oo lala xiriirinayo Alshabaab iyo dhowr qoryaha fudud.

Mohamoud Salah waxa uu sheegay in lagu guuleystay hawlgalkaasi, isagoo xusay in ragga la qabtay la rumeysan yahay inay qeyb ka qaateen Qabsashadii Alshabaab ee Yumbis iyo weerarkii Jid-galka ee ay Dagaalamayaasha Alshabaab ku dileen Sarkaal ka tirsan Boliska Kenya.

- Advertisement -

Waxa kaloo uu sheegay inay Hawlgalkaasi ku soo qabteen saddex qori oo noocooda kala ahaa AK 47, G 3 iyo qoriga Karabiinka.

Madaxa Ammaanka ee Gobalka Garissa,  Mohamoud Salah oo mar ahaan jirey Safiirka Kenya u joogay dalka Sacuudiga waxa kaloo uu tilmaamay inay tiro ka tirsan Alshabaab ka gudbeen xadka Somalia, markii uu Hawlgalka ka bilowday Yumbis.

Hay’addaha Ammaanka ee Kenya waxaa kaloo la sheegay inay Hawlgallo ka fuliyeen Degmadda  Mandera, kadib, markii lagu soo wargeliyey inay Dagaalyahanno Alshabaab ku sugan yihiin Tuullo ku taalla duleedka Mandera.

- Advertisement -

Xigasho: Daily Nation

© Warqabadka Dalsan Radio

Latest stories