HomeWararDowladda Federalka oo sheegtay inay albaabadda u furan yihiin Wada-hadalka Dagaalamayaasha Alshabaab

Dowladda Federalka oo sheegtay inay albaabadda u furan yihiin Wada-hadalka Dagaalamayaasha Alshabaab

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Calaamiga ee Xukuumadda Federalka Somalia, C/raxmaan Sheekh Yuusuf Cali Cante ayaa sheegay inay albaabadda u furan yihiin wada hadalo lala yeesho Alshabaab, gaar ahaan waxa u uugu yeeray kuwa rajadda laga qabo inay ku soo biiraan bulshadoda. Wasiirka ayaa hadalkaasi ka sheegay Shirweynaha Wada-xaajoodka ee Dhaqaalaha Adduunka ee Afrika (WEF-Africa) oo […]

- Advertisement -

Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Calaamiga ee Xukuumadda Federalka Somalia, C/raxmaan Sheekh Yuusuf Cali Cante ayaa sheegay inay albaabadda u furan yihiin wada hadalo lala yeesho Alshabaab, gaar ahaan waxa u uugu yeeray kuwa rajadda laga qabo inay ku soo biiraan bulshadoda.

Wasiirka ayaa hadalkaasi ka sheegay Shirweynaha Wada-xaajoodka ee Dhaqaalaha Adduunka ee Afrika (WEF-Africa) oo ka socda magaalladda Cape Town ee dalka Koonfurta Afrika.

- Advertisement -

“Waxaan wada-hadal kula jiraan kuwa ay Hadafka Waddaniyadda Somalia ku dheer tahay ee ka tirsan Alshabaab, ee ma aha kuwa aaminsan Aragtida fog ee Xagjirnimadda Caalamka” waa sida u uhadalka u yiri Wasiir Caynta.

Wasiirka waxa uu tilmaamay inay Dowladda Federalka Somalia ku guuleysatay sidii loo yareyn lahaa goobaha ay Alshabaab ka maamulaan gudaha dalka Somalia, oo ay horey u haysteen 60%, wuxuuna intaasi ku daray inay inta badan Alshabaab isaga  tageen Dagaalkii.

Waxa kaloo uu hadalkiisa ku xusay inay Dowladda Federalka sii wadayaan dagaalka ay kula jiraan Dagaalamayaasha Alshabaab, si ay u gaarsiiyaan farriin la xiriira inaan la oggolaan karin waxa uu ugu yeeray Kooxaha Argagixisadda.

- Advertisement -

© Warqabadka Dalsan Radio

Latest stories