HomeWararBolanboolo (Ducks) si nabad ah ku mara Waddooyinka ugu mashquulsan magaalladda Rome

Bolanboolo (Ducks) si nabad ah ku mara Waddooyinka ugu mashquulsan magaalladda Rome

Date:

Related stories

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Boliska magaallo-madaxda dalka Talyaaniga ee Rome ayaa bilaabay Hawlgal dheeri oo ka baxsan Hawlaha ay ku kala hagaan gaadiidka isku ciriiriya Waddooyinka magaalladaasi. Video la soo dhigay Facebook ayaa waxaa laga arkayey Taraafikadda oo xayiray gaadiidka, si ay waddada u maraan boloboolo badan oo si nabad ah u marayey waddada ugu mashquulsan bartamaga magaalladda Rome. […]

- Advertisement -

Boliska magaallo-madaxda dalka Talyaaniga ee Rome ayaa bilaabay Hawlgal dheeri oo ka baxsan Hawlaha ay ku kala hagaan gaadiidka isku ciriiriya Waddooyinka magaalladaasi.

Video la soo dhigay Facebook ayaa waxaa laga arkayey Taraafikadda oo xayiray gaadiidka, si ay waddada u maraan boloboolo badan oo si nabad ah u marayey waddada ugu mashquulsan bartamaga magaalladda Rome.

- Advertisement -

Taraafikadda Rome “The Vigili Urbani” ayaa gacan ku siinaya Bolanbooladda inay si nabad ah u maraan Waddooyinka saxmadda ah.

Hooyo Bolonboolo ah iyo 8 ilmo oo ay dhashay ayaa la arkayey iyagoo ka gudbayey waddada dul marta Webiga Tiber River ee magaalladda Rome.

Dad badan ayaa filim ka duubtay Bolonbooladda oo marba waddada dhinaca ugu tamashleynaysay.

- Advertisement -

Tan iyo markii sawirkii Bolonbooladda la soo dhigay Facebook, waxaa daawatay in ka badan 13,000 oo qof.

Ka Daawo Linkan 

http://www.thelocal.it/20150529/video-rome-traffic-police-help-ducks-cross-road

 

Waxaa Turjumay: Ustaad Nuradin Abokor Ahmed

Latest stories