HomeWararWasiir Salah “Waxaan farayaa shirkadaha dhismaha in ay xuquuqda naafada ilaaliyaan”

Wasiir Salah “Waxaan farayaa shirkadaha dhismaha in ay xuquuqda naafada ilaaliyaan”

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Muqdisho: Wasaaradda Howlaha Guud, Dibudhiska iyo Guriyeynta ayaa amar ay soo rogtay ku sheegtay in dhismayaasha guud iyo kuwa gaarka loo leeyahayba ay khasab ku tahay in ay sameeyaan meelo dadka naafada ah ay ka geli karaan, musqulo ay ku xaajoon karaan iyo in loo sameeyo meelo u gaar ah oo ay baabuurta naafada ah kaliya la dhigan karo.

Wasiirka Howlaha Guud Inj. Saalax Sheekh Cismaan ayaa maanta hadalkaas ka yiri shir jaraa’id oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda, xilligaas oo uu Wasaaradda booqday Maxamed Cali Faarax oo ah muwaadin u dooda xuquuqda dadka naafada ah ee Soomaaliyeed.

“ Bani aadamka Alle ayaa karaameeyay. In aan annaga karaameyn weyno waa wax aan fiicneyn. Waxaan farayaa dhamaan dadka iyo shirkadaha dhisanaya dhismayaasha guud iyo kuwa gaarka ah in ay sameeyaan meelaha dadka naafada ah ay ka gali karaan dhismayaasha sida kuwa danta guud, masaajidyada, musqulaha guud iyo xawaaladaha.” Ayuu yiri Inj. Saalax Sheekh Cismaan.

Dhanka kale, Maxamed Cali Faarax oo isaga shirka jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in dadka naafada ah ay qabaan dhibaatooyin fara badan oo ay kamid tahay in gurigiisa mooyee uusan dhismayasha ka helin musqul uu gali kale ama uusan sida dadka kale dursad u heli karin in uu meelo kamid ah goobaha dadweynaha geli karin.

Maxamed ayaa yiri “Markii aan arkay baahiyaha badan ee naafada heysato ayaa khasab noqotay inaan bilaabo olole aan xuquuqda dadka naafada ah ku raadinayo. Mararka qaar aniga oo magaalada jooga hadii aan u baahdo xaajo maleh musqul aan galano. Waa inaan gurigeyga kusoo xaajoodaa. Dadka naafada ah hadaan nahay waxaan codsaneynaa in xil la iska saaro xuquuqdeena. Naafanimada ma aha macnaheedu inaana waxba qabsan karin.”

Waxaa lagu qiyaasaa dadka naafada ah ee dalka Soomaaliya qiyaastii inta u dhaxeysa 12-20%.

Sidoo kale wax ka yar 1% ayaa taga goobaha waxbarashada. Wasaaradaha ay khuseyso howlaha naafada ayaa sidoo kale laga dalbanayaa in ay u istaagaan wax kaqabashada howlaha naafada.

Wasaaradda Howlaha Guud, Dib u Dhiska & Gureynta

nobleman254@hotmail.com

Naafada

Naafada1

Naafada2

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories