HomeWararQM oo sheegtay in la kordhin doono Taageeradda Loojistikadda ee Ciiddanka Dowladda...

QM oo sheegtay in la kordhin doono Taageeradda Loojistikadda ee Ciiddanka Dowladda Federalka

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Ergyaga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Nicholas Kay ayaa hadalkaasi ku sheegay mar uu ka jawaabayey su’aallo ay Warbaahinadda Calaamiga iyo kuwa Maxaliga iyo Aqoonyahannadda weydiiyeen, iyadoo su’aalaha u marsiiyeen Via Twitterka.

Weriyayaasha Dalsan Radio waxay Nicholas Kay wax ka weydiiyeen xaalladda liidata ee Ciiddanka Dowladda Federalka ee SNA, waxa uu sheegay inay QM taageero muhiim ah oo dhinaca  Loojistiko siiyaan Ciiddanka Qaranka Somalia ee SNA.

“QM waxay Taageero Loojistiko oo muhiim ah siiyaan Ciiddanka Qaranka Somalia, laakiin, waxaan kuugu raacsanahay in wax aad u badan loo baahan yahay si loo dhiso Ciiddan Soomaaliyeed oo xoog leh” ayuu yiri Nichola Kay.

Nicholas Kay waxaa kaloo wax laga weydiiyey mushaarka liita ee Ciiddanka Dowladda Federalka ee SNA marka loo barbar dhigo Ciiddanka Hawlgalka AMISOM, waxa uu shegay haddii Federalismka Somalia lagu guuleysto inay Somalia noqon doonto mid xooggan oo aad u mideysan.

Mar wax laga weydiiyey xiriirka liita ee u dhexeeya Dowladda Federalka iyo Dowlad-gobaleedyadda, waxa  uu ku baaqay in dhamaan Dowladaha xubnaha ka ah Federalka Somalia la dhamaystiro, isla markaana la badbaadiyo dhamaan danaha bulshooyinka oo dhan.

Dhinaca kale, Ergyaga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Nicholas Kay, waxa uu ka gaabsaday inuu ka jawaabo Ciiddanka Nabad-ilaalinta Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM iyo xiisadda ka taagan dalka Burundi.

Mar wax laga weydiiyey sababaha aan weli heshiiska looga gaarin Istaraatijiyadda bixitaanka AMISOM  iyo taariikhda ay ka bixi doonaan Somalia, waxa uu sheegay inay tahay su’aal isaga uga baahan feker adag, wuxuuna muujiyey inuusan ka jawaabi karin arrimahaas.

Su’aalaha Nicholas Kay lagu weydiinayey Via Twitterka ayaa ku soo beegantay iyadoo Xafiiska Siyaasadda ee QM uu labo gu’ jirsaday.

© Warqabadka Dalsan Radio

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories