HomeWararMadaxweynaha oo furey isbitaal casri ah oo UAE ay ka dhistey Muqdisho

Madaxweynaha oo furey isbitaal casri ah oo UAE ay ka dhistey Muqdisho

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Muqdisho, 4 June, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jarey isbitaal cusub oo casri ah oo laga dhisey magaalada Muqdisho.

Isbitaalkan waxaa dhismihiisa maalgeliyey Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, waxaana loogu magac darey Sheikh Zayid Bin Sultan Al Nahyan oo ah Madaxweynihii hore ee dalkaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa ku ammaaney dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, taageerada ay mar walba la garab taagan tahay Soomaaliya, isla markaana xaruntan cusub ay faa’ido badan u leedahay shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan mar kale mashruuc ballaaran oo ay Soomaaliya ka hirgeliyeen walaalaheena Imaaradka Carabta aan Muqdisho ka furo. Isbitaalkan casriga ah waxaa uu u adeegi doonaa shacabkeena, waxayna kaga maarmi doonaan adeegga caafimaad ee ay dibadaha u doonaan jireen’’.

Munaasabaddaasi waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Guddoomiye ku Xigeenka Labaad ee Baarlamanka, Mudane Mahad Cawad, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Baarlamanka, diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale.

IB0A5359

IB0A5401

IB0A5650

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories