HomeWararIn ka badan 1,500 oo Tahriibayaal ay Somali ku jireen oo la...

In ka badan 1,500 oo Tahriibayaal ay Somali ku jireen oo la badbaadiyey

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Ciiddanka Badda iyo Ilaaladda Xeebaha Talyaaniga ayaa la sheegay inay qaadeen hawlgal ballaaran oo lagu soo badbaadiyey ku-dhawaad 1,500 Tahriibayaal la socotay shan dooni. Tahriibayaal la socotay saddex ka mid ah doonyahaasi ayaa la sheegay inay gurmad codsadeen, iyagoo adeegsanaya Telefoonka Tarooyaha ee ku xiran Dayax-gacmeedka. Hadal ka soo baxay Ciiddanka Badda Talyaaniga ayaa lagu […]

- Advertisement -

Ciiddanka Badda iyo Ilaaladda Xeebaha Talyaaniga ayaa la sheegay inay qaadeen hawlgal ballaaran oo lagu soo badbaadiyey ku-dhawaad 1,500 Tahriibayaal la socotay shan dooni.

Tahriibayaal la socotay saddex ka mid ah doonyahaasi ayaa la sheegay inay gurmad codsadeen, iyagoo adeegsanaya Telefoonka Tarooyaha ee ku xiran Dayax-gacmeedka.

- Advertisement -

Hadal ka soo baxay Ciiddanka Badda Talyaaniga ayaa lagu sheegay inay Kooxaha Gurmadka arkeen Tahriibayaal kale oo la socotay labo dooni oo u baahnaa in loo gurmado.

Tahriibayaasha oo lagu badbaadiyey Badda Mediterreanka, ayaa la sheegay inay ka soo shiraacdeen Xeebaha dalka Libya.

Hawlgalkaasi oo socday wax ka yar 24 saacadood ayaa la sheegay in lagu guuleystay, waxaana Tahriibayaashasi nabad ah loo geeyey Jesiiradda Lampedusa ama Dekeddaha Sishiliya ee Talyaaniga.

- Advertisement -

Dhinaca kale, ku-dhawaad 170,000 oo Tahriibayaal ah ayaa sannadkii hore Tahriib ku soo gaaray Xeebaha Talyaaniga, kuwaasi oo badankooda ka soo tahriibay xeebaha dalka Libya..

Waxaana la sheegaa inay 3,000 oo Tahriibayaal u badnaa Somali, Eritrean, Ethiopian ku hafteen badda, inta ay ku soo jireen Tariibkaasi khatarta ah.

© Warqabadka Dalsan Radio

Latest stories