HomeWararUganda iyo Ururka AU oo isku khilaafsan mushaarka Ciiddankooda jooga Somalia iyo...

Uganda iyo Ururka AU oo isku khilaafsan mushaarka Ciiddankooda jooga Somalia iyo magta Askarta kaga geeriyooda Hawlgalka AMISOM

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Madaxa Waaxda Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Taageeridda Hawlgalladda Nabadda, Bam Sivuyille  iyo Taliyayaasha Sarsare ee Ciiddanka Uganda ayaa arrinkaasi kaga tashaday Kulan ka dhacay caasimadda dalka Uganda ee Kampala. Hadal qoraal ah oo Ciiddanka Uganda ka soo baxay, kadib, markii uu kulankaasi soo idlaaday ayaa sheegay inay u gudbiyeen Ururka Midowga Afrika codsi ahaa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxa Waaxda Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Taageeridda Hawlgalladda Nabadda, Bam Sivuyille  iyo Taliyayaasha Sarsare ee Ciiddanka Uganda ayaa arrinkaasi kaga tashaday Kulan ka dhacay caasimadda dalka Uganda ee Kampala.

Hadal qoraal ah oo Ciiddanka Uganda ka soo baxay, kadib, markii uu kulankaasi soo idlaaday ayaa sheegay inay u gudbiyeen Ururka Midowga Afrika codsi ahaa in la kordhiyo Lacagaha Magta ee haatan la siiyo qoysaska ay Askarta kaga geeriyoodaan Hawlgalka AMISOM.

- Advertisement -

Qoraalka ayaa lagu muujiyey in ay Uganda codsatay in Kharajka Magta la gaarsiiyo 70,000 oo Dollar, halka ay haatan ka tahay 50,000 oo Dollar.

Dhinaca kale, Labada dhinac waxay ka wada hadleen Mushaaraadka Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah AMISOM oo la sheegay inuu had iyo jeer ka soo daaho, waxayna Ururka Midowga Afrika sheegeen inuusan Askarta Uganda keliya ka soo daahin mushaarka.

Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, oo tiradoodu dhan tahay 6,223 Askari, waxa uu midkiiba mushaar ahaan bishii u qaataa lacag dhan 2.4 million oo Uganda  Shillings ah.

- Advertisement -

Waxaa kaloo jirta in Ciiddanka Uganda laga jaro bishiiba lacag dhan 200 Dollar oo ay Dowladda Uganda ku sheegtay in Ciiddanka Qaranka loogu dhisayo Isbitaal Casri ah, kaasi oo laga hirgelinayo Degmadda Mabuya.

 

© Warqabadka Dalsan Radio

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts