HomeWararRag iyo Haween Somali haysta dhalashadda Swedish oo ku biiray Kooxda...

Rag iyo Haween Somali haysta dhalashadda Swedish oo ku biiray Kooxda Daacish

Date:

Related stories

Deni Faces Criticism Over Somaliland Secession Push

Somalia’s Interior Minister Ali Yusuf Ali (Xoosh) on Tuesday...

Somalia nears completion of new Danab base amid anti-Al-Shabaab push

Somalia’s military says a new base for the elite...

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya Muqdisho...

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Muqdisho | 18...

Cabinet clears reform agenda ahead of planned elections

Somalia’s cabinet has endorsed a new roadmap to implement...

Wakaalladda Wararka ee ugu weyn dalka Sweden ee loo yaqaano TT newswire ayaa maanta qortay in Saddex dhallinyarro Somali-Swedish la rumeysan yahay inay ku biireen Dagaalamayaasha Daacish (IS) ee ka dagaalama dalalka Syria iyo Iraq.

Wakaalladda oo soo xigatay ilo madax bannaan ayaa sheegtay in saddexdaasi qof oo kala ah Labo nin iyo Haweeney da’yar oo ka tirsanaa Jaalliyadda Soomaalida deggan magaalladda Orebro ee Bartamaha dalka Sweden inay gaareen deegaanadda ay Kooxda Daacish ka maamulaan gudaha dalka Syria ama Iraq.

 

Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka Geeska Afrika ee magaalladda Orebro, Mahad Warsame ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka ee TT inuu warbixin ka helay Waalidiinta dhallinyarradda Somali-Swedishka ee ku biiray Daacish.

Waxa uu intaasi ku dartay inay Waalidiinta aad iyo aad uga walaacsan yihiin arrintaasi, isla markaana ay isku hawleen sidii ay u joojin lahaayeenDhallinyaradaasi si aysan u noqon Jihadistayaal.

Ilo-wareed kale oo aan jeclayn in la magacaabo ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka ee TT in saddexda Somali-Swedishka u sheegen dad ku sugan gudaha Sweden inay ku sugan yihiin gudaha dalka Syria.

Mid ka mid ah Dhallinyaradaasi oo 22-jir ah ayaa la sheegay inay Hay’addaha Ammaanka Sweden u diiwaan geliyeen dembiyo badan.

Ninka kale ayaa la rumeysan yahay inuu walaalkiisa ka weynaa ku geeriyooday dagaalka Daacish ka wadaan gudaha dalalka Syria ama Iraq.

Wakaalladda Wararka ee REUTERS ayaa bishii hore ee May 19-dii baahisay inay Maamulayaasha dalka Turkiga inay dadkaasi labo jeer soo masaafuriyeen, kadib, markii uu codsi uga yimid Dowladda Sweden.

Saddexdaasi dhallinyarro ayaa la rumeysan yahay inay mar saddexaad ku laabteen dalka Turkiga, una sii gudbeen Syia iyo Iraq.

Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka Geeska Afrika ee magaalladda Orebro, Mahad Warsame ayaa rumeysan inay saddexdaasi dhallinyarro doorteen khad kale si ay u gaaraan Deegaannadda ay Daacish maamulaan.

“Dad baa ku taageeray lacag iyo dadka ay la xiriiri karaan” ayuu yiri Mahad Warsame.

Hay’adda Adeeegga Ammaanka ee dalka Sweden  ee Sweden’s Security Service, Säpo, wey ka gaabsatay inay xaqiijiyaan Warka ku saabsan Dhallinyarradda Soomaali-Swedishka ku biirtay Dagaalamayaasha Daacish.

Ugu yraaan 150 Muwaadiniin haysta Dhalashadda dalka Sweden ayaa la sheegay inay sannadihii la soo dhaafay ku biireen Kooxda Daacish.

Hay’addaha Sirdoonka ayaa rumeysan in ugu yaraan 35 qof oo u dhalatay dalka Sweden lagu dilay dagaalladda Daacish ka wadaan Iraq iyo Syria,

Xigasho: TT & The Local.se

Waxaa Turjumay: Ustaad Nuradin Abokor Ahmed 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories