HomeWararDowladda Federalka oo loogu baaqay dhowridda Xorriyadda Hadalka iyo Saxaafadda Madaxa Bananaan

Dowladda Federalka oo loogu baaqay dhowridda Xorriyadda Hadalka iyo Saxaafadda Madaxa Bananaan

Date:

Related stories

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Somalia Faces 40% Drop in Imports and Rising Inflation, Cabinet Responds

Somalia’s federal cabinet today approved new security regulations and...

Soomaaliya iyo Burkina Faso oo iska kaashanaya amniga

Fartaag oo Burkina Faso kula wadatay argagixisada Ouagadougou, – Wasiirka Amniga...

Somalia’s Office of Attorney General Presses Charges on Saadiya Bajaj

The Office of the Attorney General of Somalia announced...

Deni oo tababar hubka culus u furay dagaalka Argagixisada

Puntland: Madaxweyne Deni oo tababar hubka culus iyo hoggaaminta u furay duufacdii 6-aad ee PMPF. “Waxaan kalsooni qabaa in ay difaaci doonaan dadka.” Akhri maqaalka

Khabiirka Madaxa Bannaan ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Xuquuqda Aadanaha ee dalka Somalia,Bahame Mukirya Nyanduga ayaa hadalkaasi sheegay, kadib, markii uu dhamaystay socdaal hawleedkiisa labaad oo uu ku yimaado dalka Somalia.

Khabiirka waxa uu tilmaamay in Suxufiyiinta Soomaalida mararka qaarkood la xiray, la jir-dilo, la baaro, isla markaana Xarumaha Warbaahinta albaabadda loo laabo.

“Shilalka noocaasi waxay dhaawaci karaan xuquuqda Asaasiga, gaar ahaan xilligan oo ay Somalia u dhaqaaqday dhamaystirka dadaalka lagu dhisayo Dowladnimadda” ayuu yiri Khabiirkaasi oo ka digay tacadiyadda loo geysto Suxufiyiinta Somalia.

Khabiirku waxa u uugu baaqay Dowladda Federalka inay meel isugu keento Jadwalka Shaqo ee Sharciga damaanad qaadayo Xorriyadda Warbaahinta, lana joojiyo cabsi-gelinta, xabsiga iyo tacadiyadda loo geysto Suxufiyiinta.

Khabiirka Madaxa Bannaan ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Xuquuqda Aadanaha ee dalka Somalia,Bahame Mukirya Nyanduga oo muddo 8 maalmood booqasho ku joogay magaalladda Muqdisho ayaa  ku booriyey Dowladda Federalka in wax laga qabto tababr-darrida Hay’addaha Ammaanka iyo Cadaaladda iyo badbaadinta dadka rayidka, gaar ahaan dadka ku nool xeryaha dadka bara-kacayaasha .

Khabiirka ayaa la filayaa inuu bishan September Warbixin u gudbiyo Golaha Xuquuqda Aadanaha oo uu kaga hadli doono Xaalladda Xuquuqda Aadanaha ee Somalia.

Dhinaca kale, xubnaha Golaha Guud ee QM ayaa la filayaa inay sannadka soo socda dib u eegaan Diiwaanka Xuquuqda Aadanaha ee Somalia.

Xigasho:- UN News Center

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories