HomeWararDowladaha Somalia iyo Masar oo kala saxiixday Borotokool u oggolaanayo Kalluumeysatadda Masaarida...

Dowladaha Somalia iyo Masar oo kala saxiixday Borotokool u oggolaanayo Kalluumeysatadda Masaarida inay ka jilaabtaan Badda Somalia

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Dowladaha Somalia iyo Masar ayaa maanta wada saxiixday Heshiis u oggolaanayo Kalluumeysatadda Masaarida inay ka jillaabtaan Badda Somalia ee hodanka ku ah Kalluunka ugu qaalisan ee loo iib geeyo Suuqyadda Europe. Wasiirka Beeraha iyo Kheyraadka Badda ee Masar, Salah Hilaal iyo Wasiiradda Xukuumadda Federalka Somalia ugu qaabilsan Xannaanadda Xoolaha, Saciid Hussien Ciid iyo Khayraadka Badda, […]

- Advertisement -

Dowladaha Somalia iyo Masar ayaa maanta wada saxiixday Heshiis u oggolaanayo Kalluumeysatadda Masaarida inay ka jillaabtaan Badda Somalia ee hodanka ku ah Kalluunka ugu qaalisan ee loo iib geeyo Suuqyadda Europe.

Wasiirka Beeraha iyo Kheyraadka Badda ee Masar, Salah Hilaal iyo Wasiiradda Xukuumadda Federalka Somalia ugu qaabilsan Xannaanadda Xoolaha, Saciid Hussien Ciid iyo Khayraadka Badda, Mohamed  ayaa heshiiskaasi ku kala saxiixday caasimadda dalka Masar ee Qaahira.

- Advertisement -

Heshiiskaasi ayaa waxa uu xoojinayaa, isla markaana horumarinayaa Beeraha, Xoolaha iyo Kalluunka Somalia.

Dr. Mohamed Fathi Osman oo La-taliye u ah Wasiirka Beeraha iyo Kalluumeysatada ee Dowladda Masar ayaa sheegay inay Somalia tahay waddan hodan ku ah Kalluunka.

Wargeyska Albalad ee ka soo baxa magaalladda Masar ayaa ka soo xigtay La-taliye Dr. Mohamed Fathi Osman inuu sheegay inay Dowladaha Somalia iyo Masar kala saxiixdeen Heshiis saami-qeybsi oo Kalluunka laga jilaabto Xeebaha Somalia loogu  iib geynayo Suuqyadda Qaaradda Europe.

- Advertisement -

Kalluumeysatada Masar ee ka jillaabta Xee baha dalkooda ee kaabiga ku haya BaddaMediterranean Sea ayaa rumeysan in Kalluun tayo iyo qiimo leh laga helo Badda Cas ee ku teedsan Xeebaha Waqooyi ee dalka Somalia.

Kalluunka ugu qaalisan Adduunka ayaa waxaa la sheegaa in laga helo Badda Somalia, Gacan-biyoodka Jili iyo Jesiiradda Gibraltar ee hoos tagta Maamulka Britain, balse kaabiga ku haysa Xeebaha Koonfureed ee dalka Spain.

Xigasho:- www.el-balad.com

© Warqabadka Dalsan Radio

 

Latest stories