HomeWararYoweri Museveni oo sheegay inay Dowladaha Gobalka xal dhaqso ah u heli...

Yoweri Museveni oo sheegay inay Dowladaha Gobalka xal dhaqso ah u heli doonaan La-dagaalanka Alshabaab

Date:

Related stories

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni ayaa haadalkaasi ka sheegay caasimadda dalka Kenya ee Nairobi oo uu kaga qeyb galay Munaasabadda 52-guuraddii ka soo wareegtay markii ay Kenya heshay Xorriyadda Daakhliga.

Museveni waxa uu xusay inay Dowladaha Gobalka ka tashan doonaan sidii  xal dhaqso leh loogu heli lahaa Weeraradda ay Alshabaab la beegsadaan waxa uu ugu yeeray bar-tilmaameedyadda jilicsan.

Waxa kaloo uu ka hadlay weerarkii ay Alshabaab bishii April 2-dii la beegsadeen Jaamacadda Garissa, isagoo sheegay in weerarkaasi lagu dilay arday aan hubeysnayn.

Museveni  waxa uu Madaxda Kenya ugu baaqay in Tababar Milliteri dadka dadka deggan goobaha ay Alshabaab soo weeraraan,  si ay u awoodaan inay iska caabiyaan weeraradda Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Uganda waxa uu tilmaamay in Alshabaab loogu itaal-sheegtay dagaalladda tooska ah, waa sida uu hadalka u yiri.

“Waa loo itaal sheegtay Alshabaab, haddii aysan dagaal toos ah la geli karin Ciiddamadda, balse waxay weeraraan Rayidka oo aan ku lug lahayn Siyaasadda” ayuu yiri Museveni oo sida caadada u ahayd  mar kale sheegay in Dagaalamayaasha Alshabaab laga guuleystay.

@ Warqabadka Dalsan Radio

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories