HomeWararSiyaasi ka tirsan Soomaalida Kenya oo cambaareeyey tacadiyadda ay ciiddanka Ammaanka u...

Siyaasi ka tirsan Soomaalida Kenya oo cambaareeyey tacadiyadda ay ciiddanka Ammaanka u geysteen dhaallinyaradda

Date:

Related stories

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Somalia Faces 40% Drop in Imports and Rising Inflation, Cabinet Responds

Somalia’s federal cabinet today approved new security regulations and...

Soomaaliya iyo Burkina Faso oo iska kaashanaya amniga

Fartaag oo Burkina Faso kula wadatay argagixisada Ouagadougou, – Wasiirka Amniga...

Somalia’s Office of Attorney General Presses Charges on Saadiya Bajaj

The Office of the Attorney General of Somalia announced...

Deni oo tababar hubka culus u furay dagaalka Argagixisada

Puntland: Madaxweyne Deni oo tababar hubka culus iyo hoggaaminta u furay duufacdii 6-aad ee PMPF. “Waxaan kalsooni qabaa in ay difaaci doonaan dadka.” Akhri maqaalka

Guddoomiyaha Degmadda Wajeer ee Gobalka W/bari Kenya, Ahmed Abdullahi ayaa ka codsaday Hay’addaha Ammaanka ee Kenya inay dhowraan Sharciga marka ay ku guda-jiraan Hawlgalladda La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda.

Isagoo ka hadlayey Munaasabadda Maalinta Madaraka Day oo shalay lagu qabtay Wajeer, ayaa sheegay in loo baahan yahay in dadka  lagu tuhmayo falalka Argagixiso in la hor keeno Sharciga.

Waxa uu  si kulul u cambaareeyey Muuqaalladii dhawaan la soo bandhigay ee muujinayey Ciiddanka Ammaanka ee Kenya oo ku tacadinayo dhallinyarro ka tirsan Soomaalida Kenya ee ku nool W/bari Kenya.

“Xasuuqii Wagala ee ay Hay’addaha Ammaanka horey uga geysteen Wajeer ayaa weli la xusuustaa, waana nasiib darro inay mar kale dhacaan Jirdil iyo Tacadiyo” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmadda Wajeer.

Dhinaca kale, waxa uu tilmaamay in Ciiddamo dheeraad ah la keeni doono Wajeer, si ay uga hortagaan weeraradda Dagaalamayaasha Alshabaab la  beegsadaan goobaha waxbarashadda iyo Ardayda, waa sida uu hadalka u yiri.

© Warqabadka Dalsan Radio

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories