HomeWararRa’iisul Wasaare Cumar oo Muqdisho dib ugu soo noqday, kadib safar shaqo...

Ra’iisul Wasaare Cumar oo Muqdisho dib ugu soo noqday, kadib safar shaqo oo uu ku tagay degmada Cadaado

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalak Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarek iyo wafti uu hogaaminayo ayaa saaka dib ugu soo noqday magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha iyo Waftigiisa ayaa ku sugnaa labadii maalmood ee la soo dhaafay degmada Cadaado oo uu ka socdo shirka maamul u samaynta Gobolada Dhexe, waxaana Ra’iisul Wasaaruhu kulamo la soo qaatay Gudiga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalak Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarek iyo wafti uu hogaaminayo ayaa saaka dib ugu soo noqday magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Waftigiisa ayaa ku sugnaa labadii maalmood ee la soo dhaafay degmada Cadaado oo uu ka socdo shirka maamul u samaynta Gobolada Dhexe, waxaana Ra’iisul Wasaaruhu kulamo la soo qaatay Gudiga Farsamada, Odayaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinta, Ururada Haweenka iyo madax ka tirsan maamulka Ximin iyo Xeeb. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in howlo badan oo muhim u ahaa geedi socodka dhismaha maamulkan ay qabsoomeen isagoo mahadcelin u jeediyey maamulka Ximan iyo Xeeb oo marti galiyey qabsoomida shirka Cadaado.

- Advertisement -

R/Wasaaraha ayaa saaka la kulmay guddiga farsamada shirka maamul u sameynta Gobollada Dhexe, waxana halkaas ka hadashay Guddoomiyaha guddiga Marwo Xaliimo Yarey oo R/Wasaaraha uga warbixisay shaqooyinka u qabsoomay guddiga iyo kuwa ka dhiman, waxana sidoo kale R/Wasaraha sheegay in guddiga laga sugayo dhameystirka iyo sixida howlaha shirka, isla markaana xukuumadu ay garab taagan tahay.

Sidoo kale. Ra’iisul Wasaare Cumar wuxuu kulamo la qaatay Odayaasha dhaqanka oo uu kula dar-daarmay in ay iska ilaawaan wixii khilaafaad ah, meelna uga soo wada jeestaan dhamaytirka howlaha baaxada leh ee shirka horyaala.

Ugu danbayntii R/Wasaaraha ayaa sheegay in muddo dhow lasoo afmeeri doono wajiga labaad ee shirka, loona gudbi doono dhamaystirka howlaha harsan.

- Advertisement -

—DHAMAAD–

Waaxda Warfaafinta Xafiiska RW
Muqdisho, Soomaaliya
media@opm.gov.so

IMG 4385
IMG 4389
IMG 4397
IMG 4400
IMG 4403  1
IMG 4407
IMG 4415
IMG 4448
IMG 4456
IMG 4471

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts