HomeWarar(FAALLO): Maxay Dowladda Kenya u qoonsataa Qaxootiga Soomaalida?

(FAALLO): Maxay Dowladda Kenya u qoonsataa Qaxootiga Soomaalida?

Date:

Related stories

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta cusub

Soomaaliya: Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdifitaax Qaasim.

HIQ oo xiray tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gebagebeysay tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka.

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

Dowladda Kenya ayaa lagu tuhunsan yahay inay siyaasadeynayso Qaxootiga Soomaalida ku sugan Xeradda Dhadhaab, kuwaasi oo horey uga barakacay dagaalladda iyo abaarihii ka dhacay qeybo ka mid ah Goballadda dalka Somalia.

Dowladda Kenya waxay sannooyinkii ugu dambeeyey wadeen Hawlgalo ay kaga biyo diidsan yihiin Qaxootiga Soomaalida oo tiradooda lagu qiyaaso rubuc malyan oo qof.

Diplomaasiyiinta iyo Hay’addaha u dooda Xuquuqda Aadanaha ayaana si kulul u cambaareeyey falalka ay Ciiddanka Ammaanka Kenya kula dhaqmaan Qaxootiga Soomaalida.

Dowladda Kenya ayaa loo arkaa inay had iyo jeer ku gorgortamaan Qaxootiga Soomaalida, iyadoo ay Maalyiin Dollar si toos iyo si dadban uga soo galaan Hay’addaha Taakuleeya Qaxootiga iyo xitaa Adeegyadda Qaxootiga u ah darruuriga.

Waxaana la xusuustaa in dhowr jeer Beesha Caalamka soo  farageliyeen qeylo-dhaanta iyo raafka ay Kenya kula kacaan qaxootiga.

Tan iyo sannadkii horena waxaa socday hawlgallo lagu raafayo dadka Soomaalida ee qaxootiga ku ah dalkaasi, iyadoo dad badan loo soo masaafuriyey magaalladda Muqdisho.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha ee dalka Kenya, Joseph Ole Lenku ayaana bartamihii sannadkii hore  ugu baaqay Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR) in Qaxootiga Soomaalida dib loogu celiyo dalkooda hooyo.

Qeylo-dhaan Caalami ayaana laga keenay go’aankaasi, iyadoo aysan Dowladda Kenya weli si rasmi ahaan uga laabanin go’aankaasi. Oo muddadiisa ku ekayd bisha soo socota ee July 1-da.

Madaxa Hay’adda Kenya ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga, Harun Komen ayaa isagana ku celiyey inay Dowladda Kenya ka baaraan-degayso sidii loo xiri lahaa Xeradda Qaxootiga ee Dhadhaab.

Mas’uulkaasi waxa uu tilmaamay inay Dowladda Somalia iyo Hay’adda UNHCR la wadaagi doonaan sidii loo soo celin lahaa Qaxootiga Soomaalida, isagoo hoosta ka xariiqay inay Qaxootiga taageeraan Hawlgalladda Alshabaab.

Ma uusan soo bandhigin caddaymo muujinaya eedeymahaasi, iyadoo uu caqligu diidayo in la isla xiriiriyo Qaxootiga iyo Dagaalamayaasha Alshabaab ee hawlgalladda ka fuliya gudaha dalka Kenya.

Laakiin, Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR) ayaa ku gacan-sayrtay arrintaasi, iyadoo sheegtay inaan si khasab oo degdeg leh loo soo celin karin Qaxootigaasi.

Inkastoo Is-maandhaaf xooggan ka jiro Arrimaha Qaxootiga Soomaalida, ayaa waxa maanta magaalladda Muqdisho ka furmay Shir saddex geesood ah oo looga hadlayo Xalladda Qaxootiga.

Mas’uuliyiin ka kala socda Dowladaha Somalia, Kenya iyo Hay’adda UNHCR ayaana kulan khaas ah ka leh Arrimaha Qaxootiga, oo ay kaga arrinsanaayaan qorshaha dib u soo celinta Qaxootiga.

Wada-xaajoodka saddex-geesoodka ayaa ah mid ay dhinacyadda si caadi ah u yeeshaan, iyado oay jiraan Guddi Saddex geesood ah oo u xil-saaran dib-u-soo-celinta Qaxootiga Soomaalida ku nool Xeryaha Dhadhaab.

Kulanka ka furmay magaalladda Muqdisho ayaa u muuqda mid xal guud lagu gaari karo, balse uu yahay Shir Farsamo oo la isku dhaafsanayo Aragtiyo iyo sidii loo dardar gelin lahaa Qaxootiga iskooda u go’aansada inay dib ugu  soo laabtaan dalkooda hooyo.

Boqolaal qaxooti ayaa iskooda dib ugu soo laabtay Goballadda Jubbooyinka, Bay iyo Bakool, kuwaasi oo ay Hay’adda UNHCR soo ambabixisay, iyadoo qof kata la siiyey kharaj kooban oo uu ku jid-maro.

Si kastaba ha ahaatee, Hay’adda UNHCR oo galangal xooggan u gashay sidii Qaxootiga Soomaalida ee ku dac-darayasan Xeryaha Dhadhaab loo dejin lahaa waddamo  kale, ayaa sheegtay inaysan weli u helin Dowladdo diyaar u ah inay qaabilaan Qaxootiga Soomaalida ee ku nool Xeryaha W/bari Kenya

WQ:Ustaad Nuradin Abokor Ahmed

 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories