HomeWararCambaarayn Dawlad Goboleedka Somaliland siday ula dhaqantay Muwaadiniinta Soomaaliyed

Cambaarayn Dawlad Goboleedka Somaliland siday ula dhaqantay Muwaadiniinta Soomaaliyed

Date:

Related stories

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Somalia Faces 40% Drop in Imports and Rising Inflation, Cabinet Responds

Somalia’s federal cabinet today approved new security regulations and...

Soomaaliya iyo Burkina Faso oo iska kaashanaya amniga

Fartaag oo Burkina Faso kula wadatay argagixisada Ouagadougou, – Wasiirka Amniga...

Somalia’s Office of Attorney General Presses Charges on Saadiya Bajaj

The Office of the Attorney General of Somalia announced...

Deni oo tababar hubka culus u furay dagaalka Argagixisada

Puntland: Madaxweyne Deni oo tababar hubka culus iyo hoggaaminta u furay duufacdii 6-aad ee PMPF. “Waxaan kalsooni qabaa in ay difaaci doonaan dadka.” Akhri maqaalka

WAR SAXAAFADEED

Cambaarayn Dawlad Goboleedka Somaliland siday ula dhaqantay Muwaadiniinta Somaliyed

1 June 2015, Muqdisho, Somalia – Madasha Midnimada iyo Dimoqraadiyada (MMD) waxay aad iyo aad uga xuntahay una cambaaraynaysaa sida ka baxsan Somalinimada, muslinimada iyo bani aadanimada ee maamul Goboleedka Somaliland ula dhaqmay dadkii Somaliyeed oo ka soo cararay dagaalka ka socda Dalka Yemen.

Umada Somaliyeed meel kastooy joogaan waxay ku noqotay fajac iyo amankaag iyo wax aan weligeed hore loo arag kana soo horjeeda dhaqanka iyo karaamada Somalinimada in caruur iyo haween Somaliyeed oo xanuun iyo gaajo hayso lagu celiyo badda.

Madasha Midnimada iyo Dimoqraadiyada waxay ku bogaadinaysaa umada Somaliyed sidii sharafta lahayd ee ay ugu gurmadeen walaalohooda tabaalaysan iyagoon u kala harin meel kastoy joogaan.

Walaalayaal sida keliya oo aan uga hortegi karno in Shacabka Somaliyed lagu ihaanaysto dibadda, waa inaan sharaftii, karaamadii, sharci dhawristii iyo kaladambayntii dib ugu soo celino Somalia. Taasinal waxay ku dhici kartaa oo keliya marka awooda Dalka dib loogu celiyo Dadweynaha oo iyagu ay masiirkooda ka tashadaan.

Madasha Midnimada iyo Dimoqraadiyada waxay u halgamaysaa in Doorasha xor ah oo xalaal ahi ka dhacdo Somalia 2016.

Dhamaad

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories