HomeWararSacuudiga oo akhaamo siinaya Yeminiyiinta iyo Soomaalida haysata Baasaboorkaasi oo la baarayo

Sacuudiga oo akhaamo siinaya Yeminiyiinta iyo Soomaalida haysata Baasaboorkaasi oo la baarayo

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Sida lagu soo daabacay Wargeyska Asharqul-awsad, waxay Dowladda Sacuudiga shaacisay inay Akhaamo siinayaan dadka Yemniyiinta ee ku sugan gudaha dalka Boqortooyadda Sacuudiga, iyadoo arrintaasi loo xil saaray Dowladda dibed-jooga ee Yemen iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Sacuudiga.

Wargeyska waxa uu qoray inay Safaaradda Yemen ku leedahay caasimadda dalka Yemen ee Riyad sheegeen inay jiraan Shisheey badan oo siyaabo aan sax ahayn u qaatay Baasaboorka Yemen.

Safaaraddu waxay ka codsatay Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Sacuudiga inay gacan ka geystaan dib-u-baarista dadka wata Baasabooradda Yemen.

Waxaa la sheegay inay jiraan Kumanaan Shisheeye oo haysta Baasabooradda Yemen oo ku sugan gudaha Sacuudiga, waxaana dadkaasi ka mid ah Muwaadiniin asalkooda ka soo kala jeedo dalalka Somalia, Jabuti iyo Eritrea.

Caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyad ayaa la sheegay inay ku nool yihiin 150,000 oo Yeminiyiin ah.

Tallaabadda ay Dowladda Sacuudiga ku siinayaan Akhaamooyinka dadka Yemniyiinta ayaa waxa ku soo beegmaysaa iyadoo ay Isbahaysiga Sacuudiga duqeymo ku wadaan Deegaanadda ay Dagaalamayaasha Xuutiyiinta kaga sugan yihiin Yemen.

Kumanaan Qaxooti Yeminiyiin ayaa la sheegay inay u firxadeen dalalka Sacuudiga, Somali iyo Jabuuti.

© Warqabadka Dalsan

 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories