HomeWararWasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda...

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda China

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Khaled Omar Ali ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Ergey gaar ah oo ka socda Madasha Iskaashiga China-Africa ( Focac) H.E. Mr. Liu Guijin oo ay ka wada hadleen arrimaha siyaasadda , ammaanka iyo fulinta mashaariic horumarineed . Kulankan oo ay ka wada qeybgaleen Saraakiil ka kala tirsan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Khaled Omar Ali ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Ergey gaar ah oo ka socda Madasha Iskaashiga China-Africa ( Focac) H.E. Mr. Liu Guijin oo ay ka wada hadleen arrimaha siyaasadda , ammaanka iyo fulinta mashaariic horumarineed .

Kulankan oo ay ka wada qeybgaleen Saraakiil ka kala tirsan Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Qorsheynta , halka dhanka China ay goob-joog ahaayeen Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka China u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mr. Wei Hongtian iyo diblomaasiyiin kale .

- Advertisement -

Mr. Liu Guijin ayaa sheegay inuu Soomaaliya u yimid inuu arko horumarka ka jira , kalana hadlo dowladda Soomaaliya arrimaha ammaanka , horumarinta iyo iskaashi wadajir ah oo balaaran oo labada dal ay yeeshaan .

Dhankiisa, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa sheegay in Wasaaradiisu ay qorsheyneyso sidii ay u heli laheyd deeqaha horumarinta Dowladda China ay siiso Wadamada Africa , si loo fududeeyo howlaha dib u dhiska , maalgashiga iyo wax wadaaga labada shacab ee Somaaliya iyo China .

Mudane, Khaled Omar Ali ayaa xusay in “ Focac” sanad waliba ay sameyso qoondo lacageed oo lagu horumariyo Africa , Soomaaliyana ay baahi weyn u qabto helidda qeybta ay ku leedahay barnaamijkaasi wax ku oolka ah , isagoo cadeeyay in Dowladda China ay dalka ka fulin doonto qorshe balaaran oo dib loogu dhisi doono , laguna dayactiri doono dhismayaal iyo waddooyin .

- Advertisement -

Wasiiru dowlaha , wuxuu tilmaamay in China ay tahay dowlad saaxiib la ah Soomaaliya , xiriir qoto dheerna ay leeyihiin labada dal , waxa uu yiri “ Soomaaliya oo ah dal hodan ah oo leh dhul bacrisan oo ku haboon beerashada iyo kheyraad dihan oo dhex ceegaaga badda iyo beriga , ayaa waxaanu dooneynaa inaanu helno qaab kheyraadkaasi lagu heli karo , loogana faa’ideyn karo dalka iyo dadka Soomaaliyeed”.

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations
Follow us on Twitter and Connect to our Facebook page
https://www.twitter.com/mofasomalia
https://www.facebook.com/mofa.somalia

1px

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts