HomeWararShirkadda United Airlines oo ku xad-guudbtay Haweeney Muslimad ah

Shirkadda United Airlines oo ku xad-guudbtay Haweeney Muslimad ah

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Shirkadda Diyaaradaha ee United Airlines ayaa waxaa soo wajahayo in guud ahaan la qaadaco in la raaco Diyaaradaha Shirkaddaasi, kadib, markii ay qaab cunsuriyad ah kula kaceen Haweeney Muslimad ah oo ka mid ahayd Rakaabka ku duulla Diyaaradaha Shirkaddaasi. Kumanaan qof ayaa codkooda ku biiriyey sida ay uga caraysan yihiin falkii lagula kacay Haweeney Muslimad […]

- Advertisement -

Shirkadda Diyaaradaha ee United Airlines ayaa waxaa soo wajahayo in guud ahaan la qaadaco in la raaco Diyaaradaha Shirkaddaasi, kadib, markii ay qaab cunsuriyad ah kula kaceen Haweeney Muslimad ah oo ka mid ahayd Rakaabka ku duulla Diyaaradaha Shirkaddaasi.

Kumanaan qof ayaa codkooda ku biiriyey sida ay uga caraysan yihiin falkii lagula kacay Haweeney Muslimad ah oo lagu magacaabo Tahera Ahmed.

- Advertisement -

Haweenydan ayaa falkaasi u muuqday  hayb-sooca lagula kacay xilli ay la socotay Diyaaradda Shirkadda United Airlines oo ku duulaysay joog dhan 30,000 oo cagood (ft), markii ay ka codsatay mid ka mid ah Gabdhaha shaqaalaha ka ah Waaxda Qaabilaadda ee Diyaaradda inay u keento sharaab.

Gabadhii shaqaalaha ahayd waxay u keentay sharaab furan, laakiinse, Tahera Ahmed wey diiday inay cabto sharaabka furan sababo dhinaca faya-qabka sharaabkaasi.

Mar kale ayey ka codsatay inay u keento Qasac Sharaab xiran, laakiinse waxay gabadhii shaqaalaha ku jawaabtay:- “Ma laguu keenayo Qasac Sharaab xiran, waayo qasaca waxaad u isticmaali kartaa hub ahaan.

- Advertisement -

Tahera Ahmed waxay dhacdadii ay kala kulantay Diyaaraddaasi ku soo bandhigtay barta ay ku leedahay Twitterka, waxayna sheegtay in nin ka mid ah Shaqaalaha qeybta Kabiinka Diyaaradda oo aysan magaciisa u sheegi karin sababo dhinaca ammaanka inuu u keenay nin dhinac fadhiyey Tahrera Ahmed qasac beer ah oo aan la furin (an unopened can of beer).

Ninka loo keenay qasaca xiran oo horey Tahera Ahmed ula dooday eyey inta ay qasaciisa fiirisay waxay ku tiri:- “Taasi micnaheeda waa inaadan adiga u isticmaali karin qasaca sidii hub oo kale”.

Nin iyada dhinaca fadhiyey inta uu si kulul u eegay ayuu ku yiri:- “Muslimadf yahay waxaad u baahan tahay in …..”.

Intay ku yiri: Maxay?” ayuu haddana sii raaciyey:- “ waxaad u isticmaali kartaa sidii hub oo kale, ee …”.

Twitterka Taheera Ahmed waxa qoraalkeeda la wadaagay Kumanaan qof oo u muujiyey inay qaadici doonaan diyaaradaha United Airlines inay ku duulaan.united aurlines

Tahera Ahmadunited aurlines

Xigasho:- Mirror.co.uk

Waxaa Turjumay: Ustaad Nuradin Abokor Ahmed.

Latest stories