HomeWararJohn Kerry oo la dhigay Isbitaal ku yaalla Geneva

John Kerry oo la dhigay Isbitaal ku yaalla Geneva

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka, John Kerry ayaa la dhigay Isbitaal ku yaalla magaalladda Geneva ee dalka Switzerland, kadib, markii uu shil ku galay isagoo baskiil (Bushkaleeti) ku watay meel ku dhow Degaanka Scionier ee dalka Faransiiska oo 40-KM dhanka K/bari ka xiga Xuduudka Switzerland.

Afhayeenka John Kerry oo lagu magacaabo John Kirby ayaa sheegay in lagu qaaday Diyaarad Helikoptar ee loogu talagalay Gurmadka Caafimaadka (a Medical Helicopter), waxaana loo soo duuliyey Isbitaal ku yaalla magaalladda Geneva.

John Kerry oo 71-jir ah ayaa la dhigay Isbitaalka ugu weyn Geneva, ee lagu magacaabo HUG Hospital, waxaana Kerry raajo (X-ray) laga saaray lugta midig oo uu ka dhaawacmay. Ma cadda muddada uu Isbitaalka ku jiri doono, waxaase la hadal hayaa inuu muddo dhowr maalmood ku sii nagaan doono Isbitaalka.

John Kerry oo inta badan jecel Baskiilka ayaa waxa uu shilka maanta ku yimid hal maalin kadib, markii uu dhigiisa dalka Iiraan, Javad Zarif shalay kula kulmay magaalladda Geneva.

© Warqabadka Dalsan Radio

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories