HomeWararHay’ad Samafal oo Kirishtaan ah oo musuqmaasaqday kaalmo la siin jirey...

Hay’ad Samafal oo Kirishtaan ah oo musuqmaasaqday kaalmo la siin jirey Qaxootiga Soomaalida ee ku nool Talyaaniga

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Boliska dalka Talyaaniga ayaa xabsiga dhigeen 8 qof oo uu ku jiray Baadari, kadib, markii lagu helay inay is-daba mariyeen Malaayiin Euro oo lagu caawin jirey Qaxootiga doonyaha ku gaara Xeebaha Talyaaniga ee haatan lagu xannaaneeyo Xarun ku taalla Waqooyiga magaalladda Naplis. Lammaane Baadariyaal ah oo lagu kala magacaabo Alfonso De Martino iyo Rosa Karnevale […]

- Advertisement -

Boliska dalka Talyaaniga ayaa xabsiga dhigeen 8 qof oo uu ku jiray Baadari, kadib, markii lagu helay inay is-daba mariyeen Malaayiin Euro oo lagu caawin jirey Qaxootiga doonyaha ku gaara Xeebaha Talyaaniga ee haatan lagu xannaaneeyo Xarun ku taalla Waqooyiga magaalladda Naplis.

Lammaane Baadariyaal ah oo lagu kala magacaabo Alfonso De Martino iyo Rosa Karnevale ayaa la xiray, kadib, markii ay soo dacweeyeen Labo nin oo Qaxooti Somali ah, kuwaasi oo sheegay inaan la siinin Kaalmadda Lacageed ee loo qoondeeyey Qaxootiga.

- Advertisement -

Alfonso De Martino ayaa la sheegay inuu La-taliye u yahay Hay’adda CARITAS o oah Hay’ad Samafal oo Katoolig ah, iyadoo Ninkaasi iyo saxaiibtiisa Rosa Karnevale la sheegay inay yihiin Asaasihii Hay’adda Samafalka ee a Spare wing.

Lammaanahaasi ayaa lagu tuhunsan yahay inay dhaceen  350,000 oo Euro oo loogu talagalay Hawlgalkaasi, iyadoo loogu talagalay in qaxooti kasta maalintii la siiyo 2.50 Euro.

Baarayaasha magaalladda Naples ayaa sheegay inay Eedeysanayaashaasi mas’uul ka ahaayeen Afar Xarun oo ay Hay’adda Samafalka ee CARITAS maamusho oo ku yaalla Gobalka Salermo.

- Advertisement -

Fadeexadda Lacagaha laga dhacay Qaxootiga ku sugan dalka Talyaaniga ayaa soo baxday, kadib, markii Labo Somali Qaxooti ah ay cabasho ka muujiyeen inaan haba yaraatee la siinin Kaalmooyinka maalinlaha ee loogu talagalay Qaxootiga ku nool dalka Talyaaniga.

 

 

Latest stories