HomeWararDowladda Somalia: “Ma ogolaaneyno wax ka yar heshiis xalaal ah”

Dowladda Somalia: “Ma ogolaaneyno wax ka yar heshiis xalaal ah”

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka waxaa farxad u ah in ay ka warbixiso in sahanka shidaalka laga sameeyey Soomaliya uu yahay rajadiisa mid dhiira-gelin leh.

Soomaliya waa mid dhaqso u soo kabsaneysa, maalgashayaashu waxa ay garwaaqsanayaan fursadaha ka jira. Dowlada Federaalka Soomaliya way soo dhoweyneysaa arintaa.

In laga soo kabsado colaad muddo 25 sano socotay mahan mid si fudud looga soo kabsan karo. Sharciga iyo nidaam dowladeed dhameystiran waa in dib loo unkamaa.

Halka dibu-kabashada dhaqaale uu yahay mid muhiim u ah xasiloonida, Dowladda Federaalka waxay aqoonsan tahay in arimahaas lagu gaari karo hufnaan oo weliba ay ku jirto feejignaan iyo wax wadaag siman.

“Kkeyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya waxay kaalin weyn ka geysan doontaa kobaca dakhliga gudaha ee ay yeelaneyso Dowladda Federaalka. Waaxaha shidaalka iyo gaaska waxay noqdeen kuwo si aad ah loo daneeyo, laakiin inagu kuma deg degeyno heshiiyo wax u dhimaya awooda Dowladda Federaalka ee ay ku abuuraneyso dakhligeeda,” sidaa waxaa yiri Wasiir Maxamed Mukhtaar Ibraahim.

“Wasaaradda waxay si dhow ula shaqeyneysaa African Legal Support Facility, waax ka mid ah Bangiga Horumarinta Afrika, si loo sameeyo hanaan xeerar maaliaydeed iyo kuwo sharciyadeed gacan ka geysan kara sahminta iyo soo saaridda shidaalka.

Waxaan waxba ka jirin wararka iminka sheegaya in heshiisyo aan iska geleyno inagoo indha xiran,” Wasiirka ayaa sidaa yiri.
Waxaa intaas sii dheer in uu jiro dadaal Dowlad goboleedyada lagala hadlayo sidii loo yeelan lahaa aragti mideysan oo ku aadan horumarinta iyo maamulka shidaalka Soomaliya.

La shaqeeynta dowlad Goboleedyada waxay keeneysaa in la helo hanaan lagu qeysado dakhliga kheyraadka taas oo lama huraan u ah sameynta nidaam qeybsiga wax-soosaar oo lala yeesho shirakadaha shidaalka.

Dowlada Federaalka wax heshiis wadaaga wax-soosaarka (Production Sharing Agreement) lama gelin shirkad qudha oo shidaal. Hase yeeshee, shirkadaha waa ay u soo gudbisan karaan dalabkooda Dowladda Federaalka.

“Waxaa muhiim ah, weliba dadka Soomaaliyeed, in ay ogaadaan in shirakadaha gaarka loo leeyahay ay iyagu sida ay la tahay wax ugu soo gudbisan karaan Dowlada Federaal. Waan soo dhoweyneynaa dadaalkooka.

Balse aan idiin cadeeyo, 100% kheyraadkeena inaga ayuu gacanteena ku jiraa. Go’aanada mustaqbalka waxay noqon doonaan kuwo hufan iyo si mas;uuliyad ku dheehan tahay lagu gaaray islamarkaana ilaalinaya xuquuqda ummadda Soomaliyeed hadda iyo mustaqbalkaba” sidaa ayuu Wasiirka ku soo gaba gabeeyey hadalkiisa.

Dhamaad.

Wixii dheeraad ah kala xariir
Fadumo Maxamed Muse
Xafiiska Wasiirka Batroolka & Macdanta
Email: fmohamed21@gmail.com

 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories