HomeWararCiiddanka Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM oo la wada guddoonsiiyey...

Ciiddanka Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM oo la wada guddoonsiiyey Billado

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

1828 Askari oo u dhalatay dalka Burundi ayaa la guddoonsiiyey Billado Hawlkarnimo, kadib, markii ay dhamaysteen Waajibaadkii Shaqo ee ay ka hayeen Hawlgalka AMISOM. Haweeneyda Ku-xigeenka u ah Ergayga Gaarka ee Midowga Afrika ee Arrimaha Somalia, Lyda Wanyoto ayaa ciiddankaasi guddoonsiisay Billadaha, kadib, markii munaasabad loogu qabtay magaalladda Muqdisho. Lyda Wanyoto oo ka hadashay munaasabadaasi […]

- Advertisement -

1828 Askari oo u dhalatay dalka Burundi ayaa la guddoonsiiyey Billado Hawlkarnimo, kadib, markii ay dhamaysteen Waajibaadkii Shaqo ee ay ka hayeen Hawlgalka AMISOM.

Haweeneyda Ku-xigeenka u ah Ergayga Gaarka ee Midowga Afrika ee Arrimaha Somalia, Lyda Wanyoto ayaa ciiddankaasi guddoonsiisay Billadaha, kadib, markii munaasabad loogu qabtay magaalladda Muqdisho.

- Advertisement -

Lyda Wanyoto oo ka hadashay munaasabadaasi ayaa uga mahad celisay Ciiddanka kaalintii ay ka soo qaateen Deganaanshaha Somalia.

Waxay sheegtay iyadoo ku hadlaysa magaca Ergayga Gaarka ee AU-da ee Arrimaha Somalia, Ambassador Maman Sidikou ayey sheegtay inay wax wanaagsan u tahay inay yimaadaan, isla markaana ay ciiddamo ku soo biiriyaan Somalia.

Ciiddanka la guddoonsiiyey Billadaha oo ka kala tirsan Guutooyinka 26-aad iyo 27-aad ayaa dhamaystay Hawlihii ay u joogeen Somalia.

- Advertisement -

Munaasabadaasi waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Guud ee Hawlgalka AMISOM, Lt. Gen. Jonathan Ronoiyo Danjiraha Burundi u jooga Somalia, Joseph Nkurunziza.

Danjiraha waxa uu sheegay inay Billadaha la siiyey Ciiddanka muujinayso inuu dhamaaday Waajibaadkooda Shaqo, isla markaana ku faraxsan yahay inay dib ugu laabtaan dalkooda hooyo.

Ambabaxooda ayaa waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay weli Xiisado Siyaasadeed ka taagan yihiin dalka Burundi, kadib, markii uu Madaxweynaha dalkaasi ka badbaaday Isku-day lagu afgembin lahaa.

Dhinaca kale, Ciiddanka Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ayaa ah Ciiddanka labaad ee ugu badan Hawlgalka AMISOM, marka laga reebo Ciiddanka Uganda.

Waxayna Ciiddanka Burundi ka hawlgeli jireen Gobalka Sh/dhexe, iyagoo kaalin ka geystay sugidda ammaanka ee Gobalkaasi.

AMISOM 1 AMISOM 2 AMISOM 3 AMISOM 4 AMISOM 5 AMISOM 6 AMISOM 7 AMISOM 8 AMISOM 9 AMISOM 11 AMISOM 13 AMISOM 14 AMISOM 15 AMISOM

 

Xigasho:- AMISOM.

Latest stories