HomeWararBarnaamijka Noolaynta dhaqanka iyo fanka oo Afgooye lagu qabtay

Barnaamijka Noolaynta dhaqanka iyo fanka oo Afgooye lagu qabtay

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Barnaamijka Noolanta dhaqanka iyo Fanka ee Soomaalida oo ay gacan wayn ka gaysato wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ayaa markii ugu horraysay ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose. Barnaamijkan oo lagu soo bandhigay saldhigga booliska ee magaaladaasi, isla markaana ay ka soo qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada degmadaasi, iyo madax iyo […]

Barnaamijka Noolanta dhaqanka iyo Fanka ee Soomaalida oo ay gacan wayn ka gaysato wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ayaa markii ugu horraysay ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.
Barnaamijkan oo lagu soo bandhigay saldhigga booliska ee magaaladaasi, isla markaana ay ka soo qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada degmadaasi, iyo madax iyo masuuliyiin ka kala socday gobolka maamulka Koonfur Galbeed, Gobolka Shabeellaha hoose, iyo degmada Afgooye ayaa lagu soo bandhigay ciyaaro dhaqameed kala duwan oo ay degmadaasi caan ku tahay, sida Shirib, Kabeebey, Abaliisha, Hobal Heesood, Istunka, iyo Saayle, kuwaas oo ay dhammaantood soo bandhigeen kooxaha Iftin Afgooye, Laashimiinta degmadaasi, iyo kooxda dhalinyarada ah ee Istunka Afgooye.
Dadka daawanayay bandhiggaasi noolaynta dhaqanka iyo fanka Soomaalida oo ay tiradoodu ka badnayd 360 qof ayaa ay la hadleen masuuliyiinta ka soo qayb galay madashaasi lagu soo bandhigayay ciyaaro kala duwan.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta ee maamulka Koonfur Galbeed, Aba Abow Suufi oo halkaas ka hadlay ayaa sheegey in noolaynta dhaqanka iyo fanka ay dadka ku dhaqan Afgooye siin doonto fursad ay mar kale ku soo nooleeyaan caado dhaqameedkii ay qarniyo soo lahaayeen, sidoo kale in tallaabadani ay tahay mid Afgooye looga baahnaa.
Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay oo sheegey in tallaabadan la qaaday ay tahay mid nabadda muujinaysa taliye ku xigeenka booliska ee gobolka Sh/hoose Xasan Cabdulle Bariise, kaasoo intaas ku daray noolaynta dhaqanka iyo fanku ay tahay arrin hore lagu taageerayo nabadda hirgashay.
Ka qayb galayaashii madashaas ayaa ka heley daawashada ciyaaro degmadaasi ay caan ku tahay oo goobtaas ka dhacay, sida Istunka oo ay dhalinyaro degaankaas ka soo jeeda soo bandhigeen, ciyaaraha kale ee madashaas ka dhacay ayaa iyaguna si heersare ah ay uga heleen dadkii daawanayay kuwaas oo intuba farxad kaga mahadceliyey.

Latest stories