HomeWararMaxkamad Maraykan oo la soo taagay Kenyaati lacago iyo dad u diray...

Maxkamad Maraykan oo la soo taagay Kenyaati lacago iyo dad u diray Alshabaab iyo Alqaacida

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Eedeysanahaasi oo lagu magacaabo Mohamed Hussien Saciid oo 27-jir ah ayaa sheegay inuusan gelin dacwadaha lagu soo oogay ee ahaa inuu Lacago u xawilay, isla markaana uu dad u qoray Dagaalamayaasha Alshabaab iyo Alqaacida iyo Jabhadda Alnusra Front. Hadal ka soo baxay Waaxda Socdaalka Mraykanka, ayaa lagu sheegay in Eedeysanahaasi lagu helay inuu qalab iyo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Eedeysanahaasi oo lagu magacaabo Mohamed Hussien Saciid oo 27-jir ah ayaa sheegay inuusan gelin dacwadaha lagu soo oogay ee ahaa inuu Lacago u xawilay, isla markaana uu dad u qoray Dagaalamayaasha Alshabaab iyo Alqaacida iyo Jabhadda Alnusra Front.

Hadal ka soo baxay Waaxda Socdaalka Mraykanka, ayaa lagu sheegay in Eedeysanahaasi lagu helay inuu qalab iyo dad ku taageeray Kooxo loogu yeeray Argagixiso.

- Advertisement -

Eedeysanaha Mohamed Hussien Saciid, Waxaa kaloo lala soo taagay Maxkamadda nin lagu magacaabo Gufraan Ahmed Mohamed oo haysta Dhalashadda dalka Maraykanka balse deggan dalka Sacuudiga.

Baarayaasha FBI-da ayaa la sheegay inay Gufraan Agmned Mohamed ka so oqabteen dalka Sacuudiga oo uu degganaa, waxayna  u soo duuliyeen magaalladda Miami ee Gobalka Florida.

Labada Eedeysane oo si wadajir ah looga soo qabtay dalka Sacuudiga sannadkii hore ayaa lagu soo oogay 15 fal-dembiyeed.

- Advertisement -

Eedeysanayaasha waxaa la sheegay inay Dagaalyahanno ka kala yimid Britain iyo dalal kale ku tashkiiliyeen inay ku biiraan Dagaalamayaasha Alshabaab ee dagaalka kala soo horjeeda Ciiddanka Dowladda Federalka Somalia iyo Ciiddanka Hawlgalka AMISOM.

Wargeyska The Miami Herald  ayaa  bilowgii sanandkan qoray in   Gufraan Ahmed Mohamed iyo Mohamed Hussien Saciid, inay taageereen Alqaacida iyo Alnusra Front, isla markaana ay dad u direen dalka Syria si ay uga barbar dagaalamayaan Jihadistayaasha Caalamiga.

Labada Eedeysane ayaa la sheegay in dacwadooda mar kale la qaadi doono bisha August 14-da ee sannadkan, waxaana la hadal hayaa in ay muteysan karaan ugu yaraan min 15-sanno oo xabsi ah.

© Warqabadka Dalsan Radio

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts