HomeWararHaweeney aad u cayilan oo diiday in barruurta qaliin looga yareeyo

Haweeney aad u cayilan oo diiday in barruurta qaliin looga yareeyo

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Jodie Sinclair oo u dhalatay dalka Britain ayaa diiday in laga kala yareeyo barruurta fara badan ee ka hor istaagay inay shaqeysato.

Haweeneydaasi oo 28-jir ah ayaa la sheegay inay xanuunsatay markii ay 19-jirka ahayd, iyadoo labo sanno sariir dul-saarnayd.

Saraakiisha Hay’adda Adeegga Caafimaadka NHS)  ayaa u soo dirtay qoraal, si looga taageero in miisaankeeda la dhimo. Laakiin, ra’yigaasi wey ku gacan sayrtay, iyadoo sheegtay inay Jimicsi samayso.

Haweenydaasi oo deggan magaalladda Peterborough ayaa sheegtay inaysan wax badan cunin.

Dhakhaatiirta ay la xiriirtay waxay kula taliyaan in qaliin lagu sameeyo, laakiinse waxay sheegtay inaysan doonayn arrintaasi.

“Qofna kama yeelayo inaan hoos tago mindo, waayo uma malaynayo inaan wax qalad sameeyey” ayuu tiri Haweeneydaasi la daalla-dhacayso cayilnaan ay cudduro u wehliyaan.

Waxay kaloo sheegtay inay Dhakhaatiirta ku canaantaan inay miisaankeeda yareeyso, waxayse ku doodaa inaysan wax badan cunin.

Jodie Sinclair  waxay kaloo sheegtay in mar kasta oo ay Dhakhaatiirta u tagto inay u sheegeen inay geeriyoon doonto haddii aysan miisaankeeda dhimin.

“Mid ka mid ah Dhakhaatiirta xitaa ma fahamsano inay jirto  xaallad cayil igu kordhinayo” ayey tiri Haweeneydaasi oo sheegtay inay cunto baradho iyo baasto.

Waxay kaloo tilmaamtay inay Dhakhaatiirta rumeysan yihiin inay wax badan cunto.

Ugu dambeyntii waxay sheegtay inuu saaxiibkeda u keenay usha ama bakooradda ay dadka curyaanka cuskadaan si ay ugu tallaabsadaan.

Xigasho:- Miroor.co.uk

Waxaa Turjumay: Ustaad Nuradin Abokor Ahmed

shuluq 1 shuluq

 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories