HomeWararTaageeradda Madaxweyne Uhuru iyo Ku-xigeenkiisa oo hoos u dhacday weeraradda Alshabaab awgeed

Taageeradda Madaxweyne Uhuru iyo Ku-xigeenkiisa oo hoos u dhacday weeraradda Alshabaab awgeed

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa la sheegay in taageeradiisa hoos u sii liicayso. Xog-ururin cusub oo ay qaaday Hay’adda IPSOS ayaa lagu muujiyey inay Shacbiyaddii Uhuru Kenyatta hoos uga dhacday heerkii uu taagnaa bishii December ee sannadkii hore. Xilligaasi waxay taageeradiisa ahayd 67%, balse bishii hore waxay hoos uga soo dhacday 48%. Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya, […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa la sheegay in taageeradiisa hoos u sii liicayso.

Xog-ururin cusub oo ay qaaday Hay’adda IPSOS ayaa lagu muujiyey inay Shacbiyaddii Uhuru Kenyatta hoos uga dhacday heerkii uu taagnaa bishii December ee sannadkii hore.

- Advertisement -

Xilligaasi waxay taageeradiisa ahayd 67%, balse bishii hore waxay hoos uga soo dhacday 48%.

Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya, William Ruto ayaa isagana la sheegay in Taageeradiisa oo horey u ahayd 63% bishii December ee sannadkii hore ay hoos u dhacday oo ay gaartay 35% bishii hore ee April.

Daraasadda ayaa lagu muujiyey in Taageeradda Uhuru Kenyatta hoos u dhacday tan iyo markii ay Alshabaab kordhiyeen weeraradda ay ka geystaan W/bari Kenya.

- Advertisement -

Bishii April 2-dii ee sannadkan, Dagaalamayaasha Alshabaab waxay weerareen Jaamacadad Garissa, halkaasi oo lagu dilay in ku dhow 150-qof.

Dhinaca kale, Daraasaadda cusub waxaa  lagu soo bandhigay Taageeradda Hoggaamiyayaasha Mucaaradka, kuwaasi oo laga dareemay hoos u dhac.

Hoggaamiyaha Isbahaysiga CORD, Raila Odinga ayaa ka biyo diiday Qiimeyntaasi, wuxuuna sheegay inaysan qaadan karin inuu Madaxweyne Uhuru Kenyatta ka taageero badan yahay Mucaaradka.

Xog-ururinta ay qaaday Hay’adda IPSOS waxaa lagu sheegay inay sii korodhay shaqo la’aanta ka jirta Kenya, waana heerkii ugu xumaa tan iyo markii Madaxweyne Uhuru Kenyatta qabtay xilkaasi.

© Dalsan Radio

Latest stories