HomeWararSomaliland oo EU-da ka codsatay inay dhexdhexaadiyaan Dowladda Federalka iyo Somaliland

Somaliland oo EU-da ka codsatay inay dhexdhexaadiyaan Dowladda Federalka iyo Somaliland

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Maamulka la magac baxay Somaliland ee sheegtay inay ka go’een Jamhuuriyadda Somalia ayaa waxa uu dadaal ugu jiraa sidii loo soo nooleyn lahaa Wada-xaajoodka hakadka galay ee ay lala lahaayeen DFS. Wasiirka Maamulka Somaliland ugu qaabilsan Arrimaha dibedda, Mohamed Biixi Yoonis oo u waramay Wakaalladda Wararka ee REUTERS ayaa sheegay inay ka codsanayaan Ururka Midowga […]

- Advertisement -

Maamulka la magac baxay Somaliland ee sheegtay inay ka go’een Jamhuuriyadda Somalia ayaa waxa uu dadaal ugu jiraa sidii loo soo nooleyn lahaa Wada-xaajoodka hakadka galay ee ay lala lahaayeen DFS.

Wasiirka Maamulka Somaliland ugu qaabilsan Arrimaha dibedda, Mohamed Biixi Yoonis oo u waramay Wakaalladda Wararka ee REUTERS ayaa sheegay inay ka codsanayaan Ururka Midowga Europe (EU)-da iyo Dowladaha Britain iyo Norway inay dhexdhexaadin ka galaan Wada-hadalkii Dowladda Federalka Somalia iyo Maamulka Somaliland.

- Advertisement -

“Markii ugu horreysay ee aynu wada hadalka bilownay, waxaan  haysanay Norway, Britain iyo EU-da, Sidaa darteed, waxaan ka codsanaynaa Dowladahaasi inay mar kale soo galaan, iyo inay arkaan sida ay iyaga wax u dhexdhexaadin” ayuu yiri Mohamed Biixi Yoonis.

Waxa uu rajo ka muujiyey inay Wada-xaajoodka DFS iyo Somaliland dib u bilaaban doonaan bilaha soo socda.

Dhinaca kale, Dhowr kulan oo ay labada dhinac ku yeesheen dalka Turkiga ayaa waxa uu ugu dambeyntii noqday mid lagu kala tegay, kadib, markii ay labada dhinac isku fahmi waayeen qoddobo muhiim u ah Midnimadda Somalia.

- Advertisement -

Maamulka Somaliland oo sannadkii 1991-kii sheegtay inay ka go’een qeybaha kale ee dalka Somalia ayaa waxay ku caano maalaan nabad, balse ma jiro Dowlad aqoonsatay Somaliland.

Latest stories