HomeWararNGO-yo lala xiriirinayo Alshabaab oo laga mamnuucay Kenya

NGO-yo lala xiriirinayo Alshabaab oo laga mamnuucay Kenya

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Hadal kasoo baxay Dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in saddex Ururro Bulsho aan Dowli ahayn oo lala xiriirinayo inay malageliyaan Alshabaab ayaa la sheegay in laga mamnuucay inay ka hawlgalaan Kenya. Saddexdaasi Urur ayaa kala ah Ururka u dooda Xuquuqda Islaamka ee Muslim for Human Rights, Ururka Haki Afrika iyo Urur u qaabilsan Nabadda iyo […]

- Advertisement -

Hadal kasoo baxay Dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in saddex Ururro Bulsho aan Dowli ahayn oo lala xiriirinayo inay malageliyaan Alshabaab ayaa la sheegay in laga mamnuucay inay ka hawlgalaan Kenya.

Saddexdaasi Urur ayaa kala ah Ururka u dooda Xuquuqda Islaamka ee Muslim for Human Rights, Ururka Haki Afrika iyo Urur u qaabilsan Nabadda iyo Horumarinta.

- Advertisement -

Ururka Muslim for Human Rights ayaa lagu eedeeyey inay si sharci darro uga shaqeysanayeen 13 Xisaab-lacageedyo ka furan Bangiyo kala duwan.

Sidoo kale, Ururka Haki Afrika oo ay qaar ka mid xubnihiisa ka tirsan yihiin Muslim for Human Rights ayaa la sheegay in lagu helay inay xisaab-lacageedyo uga furan yihiin isla Bangiyaddaasi.

Ururka kale ee Nabadda iyo Horumarka ee APD ayaa lagu eedeeyey inay ka been sheegeen baaritaanka, isla markaana la ogaaday inay si xooggan uga hawlgalaan Gobalka Jubbadda Hoose  ee Somalia, gaar ahaan magaalladda Kismaayo iyo Afmadow.

- Advertisement -

APD waxaa kaloo lagu eedeeyey inay Alshabaab siiyeen dhaqaale, markii ay Ciiddanka Kenya kula dagaalameen gudaha dalka Somalia.

Magacyadda saddexdaai Urur ayaa waxay qeyb ka ahaayeen Ururro, Shirkaddo iyo Shaqasiyaad lagu soo bandhigay Faaf-reebka Rasmiga ee Kenya, waxaana lagu eedeeyey inay taageero dhaqaale siiyaan Xarakadda Alshabaab

Dhinaca kale, Dowladda Kenya waxay sheegtay in saddexdaasi Urur lagala noqday Laysinkii Sharciga ee ay ku hawl-geli jireen.

© Dalsan Radio

Latest stories