HomeWararMuwaadin Somali haysta dhalashadda Holland oo ugu baaqay Alshabaab inay ku soo...

Muwaadin Somali haysta dhalashadda Holland oo ugu baaqay Alshabaab inay ku soo biiraan Dagaalamayaasha Daacish

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Wargeyska Telegraaf ee ka soo baxa dalka Holland  ayaa qoray in Jihadiste haysta dhalashadda dalkaasi uu ku biiray Daacish, isla markaana ka soo muuqday Video ay dhawaan Kooxda Daacish baahiyeen. Ninkaasi oo asalkiisu yahay Somali, kuna sugan gudaha dalka Syria ayaa la sheegay in lagu magacaabo Abu Bashiir Muraadh, inkastoo uu magaciisa beddelay markii uu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wargeyska Telegraaf ee ka soo baxa dalka Holland  ayaa qoray in Jihadiste haysta dhalashadda dalkaasi uu ku biiray Daacish, isla markaana ka soo muuqday Video ay dhawaan Kooxda Daacish baahiyeen.

Ninkaasi oo asalkiisu yahay Somali, kuna sugan gudaha dalka Syria ayaa la sheegay in lagu magacaabo Abu Bashiir Muraadh, inkastoo uu magaciisa beddelay markii uu ku biiray Kooxda Daacish, lana baxay Taymullaah Alsomali.

- Advertisement -

Wargeyska Telegraaf waxa uu qoray inuu Taymullaahi Al-somali dhawaan laga arkay Muuqaal Video oo ay Kooxda Daacish soo bandhigtay, wuxuuna ugu baaqay Dagaalamayaasha Alshabaab inay ku soo biiraan Dowladda Islaamka ee Daacish.

Wargeyska kale NRC ayaa qoray in Ninkaasi oo aan wax fiican arki karin asal ahaan ka yimid Somalia, balse uu mar ku noolaa magaalladda Groningen ee dalka Holland.

Wargeyska waxa kaloo uu qoray inaan weli la xaqiijinin caddayntiisa Holland.

- Advertisement -

Toddobaadkii hore ayey ahayd, markii ay Dagaalamayaasha Daacish soo bandhigeen Muuqaal Video ah oo ay ku casuumeen Xarakadda Alshabaab inay ku soo biiraan Daacish.

Dhinaca kale,  Hoggaanka Sare ee Alshabaab ayaa la hadal-hayaa inay ku kala qeybsan yihiin in ay ku biiraan Daacish.

Alshabaab waxay horey u sheegeen inay ku biireen Ururka Alqaacida.

Xigasho: Telegraaf

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts