HomeWararMSF oo shaqaalaheeda kala baxday Xeradda Dhadhaab, cabsi laga qabo weeraradda Alshabaab

MSF oo shaqaalaheeda kala baxday Xeradda Dhadhaab, cabsi laga qabo weeraradda Alshabaab

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Hay’adda Samafalka ee Dhakhaatiirta aan xuduudka lahayn ee MSF ayaa sheegtay inay qaar ka mid ah shaqaalaheeda kala soo baxday Xeradda Qaxootiga ee Dhadhaab, sababo la xiriira iyadoo ay sii kordhayaan cabsida laga qabo inay Dagaalamayaasha Alshabaab weeraro ka geystaan Deegaanadaasi. Haweeneyda Afhayeenka u ah  MSF, Beatrice Debut ayaa sheegtay inay 42 ka tirsan Shaqaalaheeda […]

- Advertisement -

Hay’adda Samafalka ee Dhakhaatiirta aan xuduudka lahayn ee MSF ayaa sheegtay inay qaar ka mid ah shaqaalaheeda kala soo baxday Xeradda Qaxootiga ee Dhadhaab, sababo la xiriira iyadoo ay sii kordhayaan cabsida laga qabo inay Dagaalamayaasha Alshabaab weeraro ka geystaan Deegaanadaasi.

Haweeneyda Afhayeenka u ah  MSF, Beatrice Debut ayaa sheegtay inay 42 ka tirsan Shaqaalaheeda u soo wareejiyeen Xafiisyadda magaalladda Nairobi, kadib, markii ay dhowr shilal weerar ka dhaceen Degaanka Dhadhaab.

- Advertisement -

Waxay kaloo sheegtay in la xiray labo xaruumo Caafimaad oo ka mid ah Afrata Xaruumood oo ay Hay’adda MSF ku lahayd Xeradda Dhadhaab oo ah Xeradda Qaxootiga ee ugu weyn Caalamka.

Afhayeenadda waxay kaloo tilmaamtay inay qiimeyn doonaan xaaalladda Dhadhaab, isla markaana ay Shaqaalahooda dib u soo laaban doonaan marka la hubiyo ammaanka Xeradda.

Hay’adda MSF waxay Labaatameeyo sanno ka hawlgeli jirtey Xeradda Dhashaab, waxayse haatan hawshooda ku soo koobeen inay daryeel caafimaad oo keliya kabixiyaan Xeradda Dhagaxley oo ka mid ah Shanta Xero Qaxooti ee ku yalla Dhadhaab.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Tallaabadda  inta badan shaqaalaha Hay’adda Samafalka ee Dhakhaatiirta aan xuduudka lahayn ee MSF looga soo saaray Dhadhaab ayaa timid, kadib, markii ay Dagaalyahannadda Alshabaab Isniintii hore weerareen Garissa, kuna dileen Sarkaal Bolis, kuna dhaawaceen afar kale.

© Dalsan Radio

 

Latest stories