HomeWararDowladda Japan oo kharaj ugu deeqday Xafiiska IOM ee Somalia

Dowladda Japan oo kharaj ugu deeqday Xafiiska IOM ee Somalia

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Dowladda Japan ayaa ugu deeqday 150,000 oo Dollar Xafiiska Hay’adda Muhaajiriinta IOM ku leedahay dalka Somalia,  si loogu kaalmeeyo  Soomaalida ka soo laabanayso dagaalladda ka socda dalka Yemen. Kharajkaasi ayaa loo isticmaali doonaa in lagu taageero dadka tabarta daran ee ka soo laabanayo Yemen, si ay ugu adeegsadaan Baaritaanka Caafimaadka, Gaadiidka iyo xamuulka. Ku-dhawaad 9,279 […]

- Advertisement -

Dowladda Japan ayaa ugu deeqday 150,000 oo Dollar Xafiiska Hay’adda Muhaajiriinta IOM ku leedahay dalka Somalia,  si loogu kaalmeeyo  Soomaalida ka soo laabanayso dagaalladda ka socda dalka Yemen.

Kharajkaasi ayaa loo isticmaali doonaa in lagu taageero dadka tabarta daran ee ka soo laabanayo Yemen, si ay ugu adeegsadaan Baaritaanka Caafimaadka, Gaadiidka iyo xamuulka.

- Advertisement -

Ku-dhawaad 9,279 qof o oka soo cararay dagaalladda Yemen ayaa la diiwaan geliyey inay soo gaareen dalka Somalia, waxayna kala yihiin 8,514 Somali, 688  Yemniyiin iyo 77  qof oo dalal kale u dhashay, kuwaasi oo Somaliauga sii gudbaya dalalka ay asal ahaan ka soo jeedaan.

Kaalmadda Dowladda Japan ugu yaboohday Xafiiska IOM ee Somalia ayaa qeyb ka ah Kaalmo dhan 2.4 million oo Dollar oo ay Japan ugu tala galeen Gargaarka Degdegga ee la siinayo IOM iyo Hay’addaha kale ee Caalamiga ee taageerada siinayo Barakacayaasha ku sugan gudaha dalka Yemen iyo dadka kale ee ka soo cararay colaadaha Yemen ee soo gaarayo dalalka Jabuti iyo Somalia,

Madaxa Ergadda Xafiiska IOM ee Somalia, Gerry Waite ayaa Dowldda Japan uga mahad celiyey Yaboohaas Lacageed,oo  IOM ka  taageeri doona kaalmadda la siinayo dadka ka soo laabanayo Yeman.

- Advertisement -

Xafiiska IOM ee Somalia waxay toddobaadkii hore ka codsadeen Beesha Caalamka kaalmo dhaqaale oo lagu socodsiiyo Adegyadda loo fidinayo dadka ka soo laabanayo dagaalladda Yemen.

 

(C) Dalsan Radio

Latest stories