HomeWararDowladaha Somalia iyo Kuwait oo ka wada hadlay Xoojinta Xiriirka labada dal

Dowladaha Somalia iyo Kuwait oo ka wada hadlay Xoojinta Xiriirka labada dal

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Ra’isul-wasaare-ku-xigeenka, ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Kuwait, Sheekh Sabaax Khaalid Alxamad Alsabaax, waxa uu xalay kulan la qaatay Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Calaamiga ee Somalia, C/salaam Omar Hadliye oo haatan ku sugan caasimadda dalkaasi ee Kuwait City. Labada dhinac waxay ka wada hadleen xaalladda guud ee dalka Somalia iyo sidii […]

- Advertisement -

Ra’isul-wasaare-ku-xigeenka, ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Kuwait, Sheekh Sabaax Khaalid Alxamad Alsabaax, waxa uu xalay kulan la qaatay Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Calaamiga ee Somalia, C/salaam Omar Hadliye oo haatan ku sugan caasimadda dalkaasi ee Kuwait City.

Labada dhinac waxay ka wada hadleen xaalladda guud ee dalka Somalia iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka wax wada qabsi ee labada waddan.

- Advertisement -

Wakaalladda Wararka Kuwait ee KUNA ayaa sheegtay inay Kulankaasi ka qeyb galeen Saraakiil sarsare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo  Agaasinka Borotokoolka ee Dowladda Kuwait.

Dhinaca kale, Wasiir Hadliye iyo Wafdigiisa waxat ka qeyb galayaan Shirweynaha 42-aad ee Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Dowladaha Islaamka (OIC), kaasi oo shalay ka furmay caasimadda dalka Kuwait ee Kuwait City.

© Dalsan Radio

Latest stories