HomeWararDeg Deg; Sheekh Xasan Turki oo Xalay Ku Geeriyooday Gobolka Jubadda Dhexe

Deg Deg; Sheekh Xasan Turki oo Xalay Ku Geeriyooday Gobolka Jubadda Dhexe

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Afhayeenka Kooxda Al Shabab Sheikh Cali Maxamuud Ragge (Dheere) ayaa Xaqiijiyay Geerida Sheikh Xasan Cabdullahi Xersi (Turki)oo muddo dheer kamid ahaa Kooxihii Islaamiyiinta Ee dalka Soo maray. Xasan Turki oo jiray 73 sanno ayaa Xalay ku dhintay Xaafadda Hargeysa yarey Ee Gobolka Jubbadda Dhexe. Waxa uu u geeriyooday Xasan Turki Xanuun haayay beryihii Ugu Dambeeyay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Afhayeenka Kooxda Al Shabab Sheikh Cali Maxamuud Ragge (Dheere) ayaa Xaqiijiyay Geerida Sheikh Xasan Cabdullahi Xersi (Turki)oo muddo dheer kamid ahaa Kooxihii Islaamiyiinta Ee dalka Soo maray.

Xasan Turki oo jiray 73 sanno ayaa Xalay ku dhintay Xaafadda Hargeysa yarey Ee Gobolka Jubbadda Dhexe.

- Advertisement -

Waxa uu u geeriyooday Xasan Turki Xanuun haayay beryihii Ugu Dambeeyay waxana ka tacsiyeysay Geeridiisa Kooxda Al Shabab.

Sheikh Xasan Turki Dowladda Mareekanka ayaa ku dartay Liiska Argagixisadda 3 June 2004.

Mareekanka ayaa la xiriirin jiray wadaadkan Kooxda Al Qacida iyo inuu taageeri jiray Kooxaha Argagixisada.

- Advertisement -

Xasan Turki ayaa ahaa Korneel hore oo ka tirsanaa Ciidamadii Dowladda Soomaaliya,Waxa uu sido kale ka soo tirsanaa Al Itixaad iyo Kooxdii Xisbul Islaam.

Afhayeenka Al Shabab waxa uu sheegay in Xasan Turki  uu la kulmay intii uu noola Seddex Jeer Hogaamiyihii Al Qacida Usama Bin Laden,Laba Jeer waxa uu kula kulmay ayuu yiri Afganistan Marna Sudan.

 

 

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts