HomeWararWeriye dilay bakayle xilli uu tebinayey Barnaamij Tebin Toos ahaa (Live)

Weriye dilay bakayle xilli uu tebinayey Barnaamij Tebin Toos ahaa (Live)

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Idaacadda Radio 24syv ee dalka Denmark ayaa qabanqaabisay Dood looga hadlayey Xiriirka ay dadka Danishka la leeyihiin Xayawaanaadka ku nool dalkaasi, laakiinse Saxafigii Tooska u tebinayey Barnaamijka ayaa la sheegay inuu  dilay Bakaylo loogu talagalay inuu qurxiyo Doodaasi. Bkaylaha yar oo lagu magacaabay Allan ayaa la  sheegay in lagu dhuftay bambadda Baskiilka lagu cabeeyo. Weriyihii […]

- Advertisement -

Idaacadda Radio 24syv ee dalka Denmark ayaa qabanqaabisay Dood looga hadlayey Xiriirka ay dadka Danishka la leeyihiin Xayawaanaadka ku nool dalkaasi, laakiinse Saxafigii Tooska u tebinayey Barnaamijka ayaa la sheegay inuu  dilay Bakaylo loogu talagalay inuu qurxiyo Doodaasi.

Bkaylaha yar oo lagu magacaabay Allan ayaa la  sheegay in lagu dhuftay bambadda Baskiilka lagu cabeeyo.

- Advertisement -

Weriyihii daadihinayey oo lagu magacaabo  Asger Juhi ayaa la sheegay inuu maqaar fiiqay Bakaylihii, si ay carruurtiisa o ola joogtay u cunaan.

Saxafigaasi oo la hadlay TV 2 ayuu sheegay inuu labo jeer birta madaxa kaga dhuftay Bakaylihii, wuxuuna ku dooday  inuu ka tusaale qaatay nin jooga Xerooyinka lagu xannaaneeyo Ugaarta ee Aalborg Zoo, kaasi oo uu sheegay inuu toddobadkiiba dilo dhowr ilmo bakayle, si uu ugu quudiyo masaska lagu hayo goobtaasi.

Dhinaca kale, ,”  qoraal dheer oo ay Idaacadda Radio24syv so odhigeen bartooda Facebook ku sheegeen inuusan hadafkooda ahayn in la dilo Bakaylahaasi, balse ay doonayeen inay ka hadlaan qaabka ay Mujtamaca dadka Danishka ula dhaqmaan Xayawaanaadka.

- Advertisement -

Waxa Turjumay: Ustaad Nuradin Abokor Ahmed.

Latest stories