HomeWararHooyo ka soo tagtay carruurteeda, kuna biirtay Kooxda Daacish

Hooyo ka soo tagtay carruurteeda, kuna biirtay Kooxda Daacish

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Carmalad lagu magacaabo Jasmiina Milovanov oo deganay magaalladda Sydney ee dalka Australia ayaa la sheegay inay labo carruur oo ay dhashay uga soo dhex tegtay gaariga ciyaalka ku socod bartaan, kadibna ay u dhooftay dalka Syria, si ay ugu biirto Kooxda Daacish.

Haweeneydaasi oo la sheegay in bishii hore ka soo ambabaxday dalka Australia ayaan dib u soo laabnin, iyadoo baylihisay daryeelkii hooyanimo ee labada carruur ee ay dhashay oo 5 jir iyo 7 jir ah.

Wargeyska The Sydney Daily Telegraph ayaa qoray inay haweeneydaasi u soo qortay Farriin Qoraaleed Gaaban (SMS text message) saygeedii hore, una sheegtay inay ku sugan tahay gudaha dalka Syria.

“Waxa keliya ee aan ka fkerayo ayaa ah carruurteyda. Ma rumenysan karo inay ka tegtay labadeenna carruur ee quruxda badan” ayuu ku calaacalay Saygeeda oo intaasi ku daray inuu wiilkiisa rajeynayo inay hooyadiisa OK tahay.

Saaxiibadda Jasmiina Milovanov waxay sheegeen inay ku naaloon jirtey sidii ay u guursan lahayd nin Dagaalyahan ah.

Facebook-ga Jasmiina Milovanov ayaa waxaa saaxiibadda ay la xiriiri jirtey ka mid ahayd Zahra Duman oo deganaan jirtey magaalladda Melbourne, taasi oo la sheegay inay Aaladaha Isku-xirka Bulshadda u adeegsato inay ku tashkiiliso dhallinyarradda, si ay ugu biiraan Kooxda Daacish.

Zahra Duman ninkeeda oo la oran jirey Mohamoud Abdifatah ayaa la sheegay in bilowgii sannadkan lagu dilay isagoo ka barbar dagaalamayey Daacish.

Hadal ka soo baxay Dowladda Australia ayaa lagu sheegay inay baarayaan arrinta Saaxiibadda Jasmiina Milovanov.

In ka badan 100 Muwaadiniin Australian ah ayaa la sheegay inay ku biireen Kooxda Daacish ee ka dagaalanta Iraq iyo Syria, iyadoo in ka badan 30 ka mid ah la dilay.

Waxaa Turjumay: Ustaad Nuradin Abokor Ahmed

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories