HomeWararAadan Barre Ducaale oo loogu baaqay inuu is-casilo

Aadan Barre Ducaale oo loogu baaqay inuu is-casilo

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Isbahaysiga Isbedel-doonka iyo Dimuqraadiyadda Kenya ee CORD ayaa ku baaqay inuu is-casilo Hoggaamiyaha Aqlabiyadda ku leh Barlamaanka dalkaasi, Aadan Barre Ducaale, oo ka laabtay hadal uu horey ugu sheegay inuu soo bandhigayo Liiska dadka xubnaha ka ah Alshabaab ee ku nool Goballadda W/bari ee Kenya. Dhowr ka tirsan Hoggaamiyayaasha Alshabaab ayaa si kulul u naqdiyey […]

- Advertisement -

Isbahaysiga Isbedel-doonka iyo Dimuqraadiyadda Kenya ee CORD ayaa ku baaqay inuu is-casilo Hoggaamiyaha Aqlabiyadda ku leh Barlamaanka dalkaasi, Aadan Barre Ducaale, oo ka laabtay hadal uu horey ugu sheegay inuu soo bandhigayo Liiska dadka xubnaha ka ah Alshabaab ee ku nool Goballadda W/bari ee Kenya.

Dhowr ka tirsan Hoggaamiyayaasha Alshabaab ayaa si kulul u naqdiyey Mudanahaasi oo laga soo doorto Degmadda Garissa, waxayna ugu baaqeen Dowladda Kenya in xilka laga xayuubiyo, haddii uusan soo bandhigin Liiska uu horey u sheegay inuu shaacin doono.

- Advertisement -

Moses Wetengula ayaa sheegay inuu Aadan Barre Ducaale bedelay Ra’yigiisa, si aan loogu tuhmin inuu taageersan yahay Alshabaab.

Waxa uu sheegay inay waajib tahay inuu Hoggaamiye kasta qaado mas’uuliyadda waxa uu sheego.

Xildhibaan kale oo lagu magacaabo Junet Mohamed ayaa sheegay inuu Aadan Barre Ducaale mas’uul ka noqon doono weeraradda ay Alshabaab ka geystaan Gobalka.

- Advertisement -

Senator Booni Khalwale ayaa ugu baaqay Aadan Barre Ducaale inuu daacad u noqdo si loo sugo ammaanka dalka Kenya.

Mudane Aadan Barre Ducaale ayaa horey u sheegay inuu soo bandhigi doono Liiska dadka taageera Alshabaab ee ku sugan Gobalka W/bari Kenya, wax yar kadib, markii ay Dagaalamayaasha Alshabaab weerareen Jamaacadda Garissa bishii April 2-dii ee sannadkan, oo lagu dilay 148-qof.

Latest stories