HomeWararTaliyaha Ciiddanka XDS oo ka qeybgalay Shirkii Taliyayaasha Dowladaha Carabta

Taliyaha Ciiddanka XDS oo ka qeybgalay Shirkii Taliyayaasha Dowladaha Carabta

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Shirweynii Labaad ee Taliyayaasha Guud ee Ciiddamadda Dowlada ku mideysan Ururka Jaamacadda Carabta ayaa shalay lagu qabtay Xarunta dhexe ee Ururka Carabta ee magaalladda Qaahira. Shirkaasi ayaa waxa uu ku xiriirsanaa Shirkii Koowaad ee Taliyayaasha Guud ee Milliteriga Craabta oo bishii hore ee April lagu qabtay magaalladda Qaahira. Taliyaha Ciiddanka Qalabka Sida ee dalka Masar, […]

- Advertisement -

Shirweynii Labaad ee Taliyayaasha Guud ee Ciiddamadda Dowlada ku mideysan Ururka Jaamacadda Carabta ayaa shalay lagu qabtay Xarunta dhexe ee Ururka Carabta ee magaalladda Qaahira.

Shirkaasi ayaa waxa uu ku xiriirsanaa Shirkii Koowaad ee Taliyayaasha Guud ee Milliteriga Craabta oo bishii hore ee April lagu qabtay magaalladda Qaahira.

- Advertisement -

Taliyaha Ciiddanka Qalabka Sida ee dalka Masar, Jeneral Maxamuud Xijaasi ayaa guddoomiyey shirkaasi oo si aad ah loogu lafaguray Qorshaha lagu dhisayo Ciiddamadda Mideysan ee Dowladaha Carabta, kaasi oo ay horey  dhismihiisa u guddoomiyeen SMadaxda Carabta oo kulan ku yeeshay magaalladda Sharma-sheekh.

Taliyaha Ciiddanka XDS, Jeneral Daahir Aadan Cilmi ayaa u matalayey dhinaca Somalia, wuxuuna kulamo khaas ah la yeeshay dhigiisa 21-ka Dowladood ee xubnaha ka ah Ururka Jamaacadda Carabta.

Waddanka Jabuuti ee aynu walaalaha nahay wxaaa Shirkaasi u matalayey Taliyaha ciiddanka Jabuuti, Jeneral Cismaan Nuur Subagle.

- Advertisement -

Shirkaasi waxaa goobjoog ka ahaa Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Dr. Nabiil Alcarabi iyo Ku-xigeenkiisa, Axmed Bin Xalabi.

Dhinaca kale, Taliyayaasha Guud ee Milliteriga Carabta, ayaa la filayaa inay bisha June 29-da yeeshaan Kulan kale oo ay ku soo bandhigayaan Borotolkoolka lagu maamulayo Taliska Mideysan ee Milliteriga Carabta, oo loogu talagalay in ay faragelin ku sameeyaan haddii ay Kooxda Daacish soo weeraraan dal ka mid ah dalalka Carabta.

Xigasho:- AAWSAT & MENA

Latest stories