HomeWararSiyaasi Somali-Kenyan ah oo ka laabtay sheegashadiisa ahayd inuu hayo Liiska...

Siyaasi Somali-Kenyan ah oo ka laabtay sheegashadiisa ahayd inuu hayo Liiska xubnaha taageera Alshabaab

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Barlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale  oo horey u sheegay inuu soo bandhigayo magacyadda dadka ku nool W/bari Kenya ee taageeradda siiya Alshabaab ayaa sheegay in uu ka laabtay hadalkaasi. Isagoo ka hadlayey Degmadda Garissa waxa uu carrabka ku dhuftay inuusan haynin wax magacyo oo la xiriira Eedeysanayaal ama dad uu rajeynayo inay ka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Barlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale  oo horey u sheegay inuu soo bandhigayo magacyadda dadka ku nool W/bari Kenya ee taageeradda siiya Alshabaab ayaa sheegay in uu ka laabtay hadalkaasi.

Isagoo ka hadlayey Degmadda Garissa waxa uu carrabka ku dhuftay inuusan haynin wax magacyo oo la xiriira Eedeysanayaal ama dad uu rajeynayo inay ka tirsan yihiin Alshabaab.

- Advertisement -

Aadan Barre Ducaale  oo ah Mudane laga soo doorto Garissa ayaa sheegay in Hoggaamiyayaasha Waqooyiga Kenya door muhiim ka qaataan La-dagaalanka waxa uu ugu yeeray Argagixisadda iyo Xag-jirnimadda lagu barbaarinayo Dhallinta Soomaalida Kenya.

“Hoggaamiyayaasha Gobalka waxay si dhow ugala shaqeynayaan Dowladda sidii looga guuleysan lahaa Kooxaha loogu yeero Argagixisadda, waxaan u taaganahay inaan ka shaqeyno sidii loo hubin lahaa inuu dalkeenna ku guuleysto Dagaalka Argagixisadda” ayuu yiri  Aadan Barre Ducaale, oo intaasi ku daray inay Madaxweyne Uhuru Kenyatta ka haystaan Ballanqaadyo.

Dhinaca kale,  waxa uu si kulul u canaantay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Joseph Nkaiserry, wuxuuna ugu baaqay in faraha kala baxo Siyaasadda, ama  uu kaga dambeeyo Siyaasiyiinta arrimaha xasaasiga.

- Advertisement -

Dhinaca kjale, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Joseph Nkaiserry, oo uu wareystay Wargeyska The Standard Media ayaa ka gaabsaday inuu ka jawaabo haddii uu gacanta ku hayo Kiis ka dhan ah Xildhibaan Aadan Barre Ducaale.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts