HomeWararKenya iyo AMISOM oo ka gaabsaday eedeymo ay u soo jeedisay Khabiir...

Kenya iyo AMISOM oo ka gaabsaday eedeymo ay u soo jeedisay Khabiir Maraykan ah

Date:

Related stories

Cirro iyo Trump: Kulankii Washington Ka Dhici Waayay iyo sababta

Cirro oo booqashadiisii Mareykanka ku soo gabagabeeyay isaga oo aan la kulmin Trump, isla markaana aan helin ballanqaad rasmi ah oo aqoonsi.

Wasiirrada Xamsa oo Shaashad Lagu Kala Sarreysiiyay

Xamsa Cabdi Barre oo wasiirrada Xukuumadda DanQaran ku sameeyay qiimeyn waxqabad iyo isla xisaabtan.

Hindisaha ABUUR oo La Daah-furay, Ardayda Soomaaliyeedna Fursad Cusub

Xasan Sheekh oo daah-furay sannad-tacliimeedka 2026/2027, isagoo sidoo kale bilaabay Hindisaha ABUUR ee hal-abuurka ardayda.

Madaxa Hawlgalka AMISOM, Ambassador Maman Sidikou ayaa diiday inuu ka jawaab celiyo Warbixintii  Drs. Vanda Felbab Brown oo ka tirsan Hay’adda Brookings Institution ee uu fadhigeedu dhexe ku yaallo magaalladda Washington DC. Sarkaalladda oo ah Khabiir dhinaca Ammaanka, una dhalatay dalka Marayaknka  ayaa sheegtay inay Ciiddanka AMISOM ka gaabiyeen Hawlgalka socda ee lagula dagaalamayo Xarakadda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxa Hawlgalka AMISOM, Ambassador Maman Sidikou ayaa diiday inuu ka jawaab celiyo Warbixintii  Drs. Vanda Felbab Brown oo ka tirsan Hay’adda Brookings Institution ee uu fadhigeedu dhexe ku yaallo magaalladda Washington DC.

Sarkaalladda oo ah Khabiir dhinaca Ammaanka, una dhalatay dalka Marayaknka  ayaa sheegtay inay Ciiddanka AMISOM ka gaabiyeen Hawlgalka socda ee lagula dagaalamayo Xarakadda Alshabaab iyo inay AMISOM lahayn Talis Hoggaamineed xilliyadda ay hawlgalayaan.

- Advertisement -

Madaxa Hawlgalka AMISOM, Ambassador Maman Sidikou oo isagoo ku sugan magaalladda Nairobi E-mail u diray Wargeyska Sunday Monitor ee ka soo baxa magaalladda Kampala ayaa sheegay inay Ciiddanka AMISOM oo ka soo kala jeeda dhowr dal yihiin kuwo uu wanaagsan yahay xiriirkooda.

Waxa uu intaasi ku daray in uu Iskaashiga Kontoroolka iyo Taliska maalinba maalinta ka dambayso uu soo hagaagayo.

Mar uu ka hadlayey baahida AMISOM, waxa uu sheegay inay Ciiddanka DF iyo kuwa AMISOM u baahan yihiin maalgelin, si ay u sii wadaan Hawlgalladda ay kula jiraan Xarakadda Alshabaab iyo in gacanta lagu siiyo goobihii Alshabaab lagala wareegay toddobadii sanno ee la soo dhaafay.

- Advertisement -

“AMISOM waxay ugu dambeyntii Alshabaab ka wada saari doonaan Deegaannadda ay joogaan, si loo abuuro xaallad lagu qaban karo doorashadda sannadka 2016-ka” ayuu yiri Ambassador Mamna Sidikou.  

Warbixintii  Drs. Vanda Felbab Brown o ka tirsan Hay’adda Brookings Institution waxay ku muujisay inaysan Ciiddanka AMISOM jeclayn inay hawlgal dagaal la galaan Alshabaab, xitaa haddii ay yihiin iska horimaadyadda kookooban.

Sidoo kale, waxay sheegtay inay Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, kuna sugan Goballadda Jubbooyinka inay geystaan falal xadgudub ku ah Xuquuqda Aadanaha, isla markaana ku lug leeyihiin Ka-ganacsiga dhuxusha.

Dhinaca kale, Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda Kenya ku leedahay magaalladda Washington, Mrs. Agnes Kirui oo ka qeyb gashay Shirka ay ka hadashay Drs. Vanda Felbab Brown oo ka tirsan Hay’adda Brookings Institution ayaa ka gaabsatay inay ka jawaabto Tacadiyadda Ciiddanka Kenya ka geystaan Somalia.

Waxayna sheegtay inuu Danjiraha Kenya oo keliya ka jawaabi karo eedeymahaasi.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts