HomeWararQorshaha dib-u-soo-celinta Qaxootiga Somalia ee Kenya oo la bilaabayo

Qorshaha dib-u-soo-celinta Qaxootiga Somalia ee Kenya oo la bilaabayo

Date:

Related stories

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

EU iyo Soomaaliya oo xoojisay iskaashigooda istiraatiijiga

EU iyo Soomaaliya oo adkeeyay iskaashiga istiraatiijiga

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Madaxa Golaha Kenya yfy qaabilsan Arrimaha Qxaootiga, Haruun Komen ayaa sheegay in Toddobaadkan dib loo bilaabi doono in la soo celiyo Qaxootiga Soomaalida ee iskooda u go’aansatay inay ku soo laabtaan dalooda hooyo.

Isagoo ka hadlaye Kulan  ka dhacay Xarunta golahaasi oo ku taalla Degaanka Lavington ayaa sheegay in ilaa 200 oo Qxaooti Soomaali ah lagu celin doono Somalia, kuwaasi oo qeyb ka ah Qaxootiga isku diiwaan gelisay inay ku laabtaan dalkooda hooyo.

Waxa uu intaasi ku daray in Qaxootiga lagu celin doono magaallooyinka Kismaayo, Baydhabo iyo luuq, oo ah deegaanno nabad ah.

Bilowgii bishii hore, 2,050  oo Qaxooti ku jiray Xeradda Dhadhaab ayaa dib loogu celiyey Somalia.

Qorshaha Dib-u-celinta Qaxootiga ayaa qeyb ka ah jadwal-hawleedka Heshiiska saddex geesoodka ee ay kala saxiixdeen Dowladaha Somalia, Kenya iyo Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR.

Dhinaca kale, Yiro-koob cusub oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Kenya ayaa muujinaya in Qaxootiga Soomaalida ee haatan ku sugan Xeradda Dhadhaab inay tiradoodu dhan tahay 423, 244  qof.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories