HomeWararNin lala xiriirinayo Alshabaab oo ay Maxkamada Nairobi ku sii daaysay...

Nin lala xiriirinayo Alshabaab oo ay Maxkamada Nairobi ku sii daaysay damiin lacageed

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Sheekh Hassan Mahad Omar oo haatan u xiran Ciiddanka Boliska ugu qaabilsan La-dagaalanka waxa loogu yeero Kooxaha Argagixisadda ayaa lagu sii daayey damiin, kadib, markii ay Maxkamadda Milimani Law Courts ee magaalladda Nairobi ku gacan saytay codsi uu Madaxa Baarayaasha Dowladda ku doonayey in ninkaasi lagu sii hayo gacanta Boliska. Garsooradda Sare ee Maxkamadda Milimani […]

- Advertisement -

Sheekh Hassan Mahad Omar oo haatan u xiran Ciiddanka Boliska ugu qaabilsan La-dagaalanka waxa loogu yeero Kooxaha Argagixisadda ayaa lagu sii daayey damiin, kadib, markii ay Maxkamadda Milimani Law Courts ee magaalladda Nairobi ku gacan saytay codsi uu Madaxa Baarayaasha Dowladda ku doonayey in ninkaasi lagu sii hayo gacanta Boliska.

Garsooradda Sare ee Maxkamadda Milimani Law Courts, Grace Mumasi ayaa xukumisay in Eedeysanaha lagu sii daayo lacag dhan  2 million oo Kenya Shillings ah iyo inuu toddobaadkiiba hal mar iska xaadiriyo Waaxda Boliska Kenya ugu qaabilsan La-dagaalanka Argagixisadda ee ATPI.

- Advertisement -

Eedeysanaha waxaa kaloo lagu soo oogay inuu maalgeliyey weerarkii Alshabaab bishii April 2-dii ka geysteen Jamaacadda Garissa, laguna dilay 148 qof oo u badnaa Ardaydii dhiganaysay Jaamacadda.

Dhinaca kale, Kiiska loo haysto Eedeysanaha ayaa la filayaa in mar kale la dhegeysto bisha July 30-da iyo 31-da.

Latest stories