HomeWararSomali laga mamnuucay dalka Britain oo La Sheegay inuu ku sugan yahay...

Somali laga mamnuucay dalka Britain oo La Sheegay inuu ku sugan yahay dalka Denmark

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Ahmed Ibrahim Halane oo ay Dowladda Britain kamamuucday inuu dalkooda ku so olaabto ayaa la sheegay inuu si xor ah ugu nool yahay dalka Denmark. Barnaamijka News beat ee Idaacadda BBC-da ayaa soo xooraansatay in ninkaasi oo haysta dhalashadda Danishka uu ku nool yahay magaalladda Aarhus  ee dalka Denmark. Waxa u uu muuqdaa inuu si […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ahmed Ibrahim Halane oo ay Dowladda Britain kamamuucday inuu dalkooda ku so olaabto ayaa la sheegay inuu si xor ah ugu nool yahay dalka Denmark.

Barnaamijka News beat ee Idaacadda BBC-da ayaa soo xooraansatay in ninkaasi oo haysta dhalashadda Danishka uu ku nool yahay magaalladda Aarhus  ee dalka Denmark.

- Advertisement -

Waxa u uu muuqdaa inuu si xor ah isaga kala gooshi karo dalalka ka tirsan Ururka Midowga Europe, inkastoo ay Dowladda Britain u aragto inuu khatar ku yahay ammaanka.

Ahmed Ibrahim Halane oo 22-jir ah  ayaa waxay walaalo yihiin Gabdhaha Mataanaha haysta dhalashadda Britain ee lagu kala magacaabo Salmo Ibraahim Halane iyo Sahra Ibrahim Halane, kuwaasi oo la xaqiijiyey inay  ku biireen Kooxda Daacish.

Mataanayaasha oo bihsii June ee sanandkii hore ku biiray Kooxda Daacish ayaa waxay guursadeen rag la tirsan Dagaalyahannadda Daacish, kuwaasi oo lagu dilay iska horimaad ka dhacay gudaha dalka Syria.

- Advertisement -

Ahmed Ibrahim Halane oo ku soo koray magaallooyinka Bolton iyo Chorlton ee dalka Britain ayaa lagu tuhunsan yahay inuu ka barbar dagaalamay Kooxaha Islaamiyiinta.

Ilo-wareedyo ayaa u sheegay Barnaamijka News Beat ee Idaacadda BBC-da inuu Ahmed Ibrahim Halane uu ka mid ahaa Jihaadistayaashii ka soo dagaalamay dalalka Somalia iyo Syria.

Ahmed Ibrahim Halane oo asal ahaan ka soo jeeda Qoys Soomaaliyeed oo Ahlu-diin ah, waxa uu wax ku bartay dalka Britain, isagoo Qur’aanka dhameeyey markii uu 13-jirka ahaa.

Ilo-wareedyo ayaa u sheegay Barnaamijka News Beat inuu Ninkaasi noqday nin mayal adag, kadib, markii uu si Online u dhegeystay Khudabadaha Diiniga ee Culumadda, oo u uka mid ahaa Anwar Al-cawaki oo ku dhashay Maraykanka, balse lagu dilay dalka Yemen.

ahmed halane salma iyo sahra

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts